Madaxwaynaha Somaaliland oo Saaka u dhoofay Dalka Itoobiya
Madaxwaynaha Somaaliland ayaa la filayaa inuu ka dhoofo Cigaal international ee magaalada Hargaysa halkaasi oo wararku sheegayaan in Madaxwaynuhu uu socdo Dalka itoobiya iyaadoo uu casuumad ka helay Dalkaasi.
Madaxwayna iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka ka duuli doona Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargaysa iyadoo madaxwaynaha uu kulamo la qaadan doono madaxda dawlada itoobiya waxaana uu kala hadli doonaa xaalada iyo xirirka labada dal.
Tagitaanka madaxwaynaha Somaaliland ee Dalka itoobiya ayaa kusoo beegmaya xili maalintii shlay la ansixiyay in dawladu ay ka qayb qasho Shirka london iyo in madaxwaynuhu ka qayb galo shir kasta oo Somaliland munaafaacad u leh .
Maakhir Media Hargaysa
