|

Golayaasha Sharci dajinta oo maanta Ansixiyay in xukudu ay ka qayb gasho shirka Lonod+Dhagayso

Play

Fadhi Wada Jir ah oo ay maanta Yeesheen Golaha Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) shir gudoominayayna Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro ayaa Cod Aqlabiyad ah waxay ku ansixiyeen Wax ka bedel iyo Kaabis Qodob ay hore u soo saareen Golaha Baarlamaanka Somaliland.

Qodobkan Cusub ee ay maanta Ansixiyeen Baarlamaanka Somaliland ayaa Fasaxaya in Somaliland ka qay gasho Shir kasta oo aan Qaranimadeeda Madax banaanideeda iyo Dastuurkeeda Ka hor imanayn .

Fadhigan ay Isugu Yimadeen Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa sidoo kale ay ku taageereen Ka qayb galka Shirka 23 Bisha February loo qabanyo Somalida ee UK.

Fadhigan oo ay ka soo Xaadireen 109 Mudane ayaa Cod Gacan taag ah waxa ku ogolaaday 101 Xildhibaan waxa diiday 3 Xildhibaan 4 ayaa ka Aamusay Gudoomiyuhna Muu codayn.

Sidoo kale Fadhiga ayaa waxa khudbad ka jeediyey Wasiika Wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi oo Xildhibaanadda labada gole warbixin ka siiyay shirka London waxaanu sheegay inaanu shirkaasi haba yaraatee wax saamayn ah ku lahayn qadiyada iyo Madaxbanaanida Somaliland.

Xeerkan ayaa Burinaya Xeer hore ay u soo saareen Golihii Sharci Dejinta ee Hore iyaga oo mamnuucay Golihii hore Ka qayb galka Shirarka Somalida loo qabanayo Dawlad iyo afraad ba.

Maakhir Media Hargaysa.

Comments are closed