Madaxweyne Shariif oo kaqayb galay Munaasabad lagu wareejinayay D/Dhamme (Sawiro,Dhagayso)
Podcast: Play in new window | Download
Muqdisho (MMedia) Madaxweynaha Dawalada Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa waxaa uu maanta ka qayb galay munaasabad lagu wareejinayay Dugsigii Dhamme Yaasiin Cartan oo ka mid ah hantida Dawlada.
Munaasabada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirro, Xildhibaanno, Maamulka Gobolka iyo Madaxweynaha iyadoo Xubno kale oo qaybaha Bulshada ka tirsan.
Sidoo kale waxaa Munaasabada goob joog ka ahaa Gudoomiyaasha Dugmooyinka Dharkeynley iyo Wadajir waxaa ayna ka warbixiyeen Amaanka Degmooyinkaasi iyagoona sheegay in Amaanku uu aad usareeyo dhanka kalana waxaa ay balan qaadeen inay ka shaqaynayaan u adeegida Bulshada iyadoo Maamulka Dharkeenlayna uu balan qaaday in Dugsiga Dhamme Yaasiin Cartan uu noqon doono mid soo saara ubad Soomaaliyeed oo waxyaqaana maadaama uu soo galay gacanta Dawlada.
Waxaa sidoo kale Munaasabada ka halay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho waxaa uuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin horumarka kasoo muqanaya Degmooyinka Dharkeenlay iyo wada jir isagoona ku amaanay sida wanaagsan ee ay Hawlahooda ugutaan waxaa uuna intaasi raaciyay inay kala shaqayn doonaan wax walba oo horumar ah.
Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo qaybihii danbe ee Munaasabada ka hadlay ayaa waxaa uu ugu horayn ugu mahad celiyay dadweynaha Degmada Dharkeenlay sida diiran ee ay usoo dhaweeyeen isagoona hadalo Maad ah ku furtay hadalkiisa waxaa uuna intaasi raaciyay Madaxweynuhu inay ubaahanyihiin Amni iyo Dawladnimo maadaama in kabadan 20 sano ay soomaalidu dhibaatooyin fara badan kusoo jirtay.
Sikastaba ha ahatee Dawlada Soomaaliya ayaa waxaa ay mudooyinkii u danbeeyay waday hawlo ay kusoo celinayso hantidii qaranka Soomaaliyeen iyagoona sheegay in Turkigu uu ubalan qaaday inuu dayactiri doono Xarumaha Dawlada ee Bulshadu ay isticmaalaysay sida Iskoolada Xarumaha Caafimaadka iyo wixii lamida.
Xigasho : Sawirada iyo Khudbadaha Radio Muqdisho.
Maakhir Media Muqdisho




















