|

xaalada cusbitaalka guud ee dhahar warbixin+sawiro

cusbitaal guud ee degmada dhahar ayaa kamid ah cusbitaalada fara ku tiriska ah ee aadka u qalabysan ee ka shaqeeya mandaqada . cusbitaalkan ayaa ka kookan sedex dhisme oo isugu qaybsan qaybaha kala duwan ee asaasiga u ah cusbitaal waxaana kamid ah qaybahan qaybta bukaan jiifka, dhalaanka iyo dhalmada, qaybta daaweeynta, qaybta coldgenska store iyo weli pharmacy aad u qalabaysan sidoo kale cusbitaalka guud ee degmadama dhahar waxaa hoos taga MCH ka xarunta dhalaanka iyo hooyada oo ah qayb ka gaar ah shaqada cusbitaalka .
sikastaba ha ahaate cusbitaalkan oo aan haysan dhamaan baahiyaha caafimaad ayaa ah mid shaqadiisa caafimaad wadaa iyada oo ay ka hawlgalaan cusbitaska shaqaale aad u farabadan marka loo eego xaalada degmada sidoo kale cusbitaalka waxaa ka hawl gala oo shaqa caafimaad ka fuliya dhakhtarka caan ka ah ee DR/C/QAADIR CISE YUSUF (indha lacag) oo ah dhakhtar ku takhakhusay cudurada ku dhaca sanka.afka iyo dhegaha .
isku soo wada duuboow waxaan shaki ku jirin in dhakhtarkani uu wax badan ka qabtay xaalada caafimaad ee degmada iyo tan guud ee mandiqada . inkastoo aysan meesha ka madhnayn caqabada hortaagan dhakhtarka sida dayactir iyo weli kordhin lagu sameeyo cusbitaalka hadan maahan mid wax u dhimaysa shaqada caafimaad ee cuusbitaalka

hoos kadaawo sawirada

Comments are closed