dhalashada nabi muxamed nabad iyo naxaris dushisa ha’ahate oo siweyn looga xusay dalka kenya qeybo kamid ah.
NAIROBI(MMEDIA):-Waxa manti shalay ayku beegan tahay malinta dhalashada nabi muxamud nabad iyo
naxaris dushisa ha ahaate,waxana siweyn looga xusay dalka kenya qeybo
kamid ah.
Meelaha laga xusay dhalashada nabigeena suuban waxana kamid
ah meelo badan oo ka mid ah Gobolada
Dalkani Kenya ayaa laga xusay Muna sidada dhalashada
Nabigeena Muxamed (N.N.K)oo shalay ku beegnayd.
wadooyinka wawayn ee magalada Casimada ah ee
Nairobi ayaa lagu argaayay culumaa udiin,dhalinyaro,caruursi aad ah u faraxsan kuna dhawaaqaayay
adkaar iyo nabi amaan aad u macaan,
Haweenka ayaa iyana dhankooda ka xusayay iyadoo ugudambaynti la,isugu tagay garoon wayn oo ku yaala xaafada Islii islamar kaana ay halkaasi culumo caan ah ay ka
aqriyeen siirada Suubanaheena
Muxamed (N.N.K.
in badan oo ka mid ah dadkii munaasabada goob jooga ahaa
ayaa iyaga oo wajiyadooda farxada munaasaba ay ka
muuqaday waxa ay bogaadiyen dhamaan Umada Muslimiinta.
Sidoo kale waxaa Munaasabada Mowlidka laga xusay deegano kale oo ku yaala Gobolka waqoyi
Bari kuwaasi oo ay ka mid tahay Degmada Wajer halkasi oo
munasabad balaaran lagu qabtay.
Sheikh Ali Ibrahim Hassan oo kamid ah culumada Munaasaba
wajeer isugusobaxay
fagaaraha bazara ee degmada Wajeer ayaa waxa uu ka hadlay
isu soo baxooda Mowliid waxaa uuna shaaciyay inay ahayd maalin farxadeed oo muslimiinta laga
rabo inay Bogadiyaan.
Qaybaha kala duwan ee Bulshadii Mowlidka Wajeer ku dhigay ayaa sidoo kale iyagoo qaab farxadey san hambal ugu diray dhamaan Bulshada
Islaamka.
Sikasta waxa siweyn looga xusay dhalashad nabi muxamed nabad
iyo naxaris dushisa ha ahate,waxana
kamid ah qeybo kamid ah dagalka
soomaaliya.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
codka26@live.com
Maakhir Media Network
