|

Masjidka Ramadan Ee Magaalada Galkacyo Oo Lagu soo Gabgabeeyay Dawro Diini ah(Sawiro)

Galkacyo (MMedia)Masjidka Ramadan ee ku yaala xaafada Garsoor ee Magaalada Galkacyo , Xarunta Gobalka Mudug ayaa lagu soo gabagabeeya Dawro diini oo halkaasi ka socotay mudo 10cesho ah.

Dawradan diiniga ah ayaa loo qabtay ardayda dhigta Dugsiyada sare ee Magaalada Gaalkacyo waxaana Duruus isugu jirtay waano iyo wacdi siinayay culumo kala duwan oo loo soo xulay inay ka qeybqaataan dawradani diiniga ah ee lagu soo gabagabeeyay Masjidka Ramadan.

Xafladii Gabgabada Dawradan  Diiniga ah ayaa ardaydii gashay kaalmaha hore waxaa la gudoonsiyay abaalmarino kal gadisan kuwaasi oo isugu jirey Kutubo Qu’aan ah, Risaalooyin Cilmi ah iyo sidoo kale albunno qur’aan ah oo loogu talagaya inay ardaydu dhageystaan  waxaana hadalo qiiro leh ka soo jeediyay xaflada culumo kal duwan kuwaasi oo ardayda kula dardaarmayay inaysan lumin waxyaabihii ay ka faa’ideen dawrda.

Culumadii ka hadashay xafladii lagu soo gabagabeeynayay dawrada  waxaa ka mid ahaa Sheekh Dr Aadan Maxamed Cigaal oo ah Gudoomiyaha Gudiga Dacwada Gobalka Mudug waxa uu si qota dheer uu uga hadlay ahmiyadii laga lahaa dawradii diiniga ahayd ee loogu talagalay inay ka faa’ideystaan ardayda dhigata Dugsiyada sare ee magaalada Galkacyo waxa uuna kula dardaarmay dhamaan ardaydii ka qeybqaadatay Dawrada inay sii gudbiyaan waxyaabihii ay ka faa’ideen dawrada intii ay socotay.

Xafladii xiraanka dawrada oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ugu dambeyntii waxaa Abaalmarino kal duwan la gudoonsiiyay ardaydii nasiibka uyeelatay inay ka qeybqaataan dawrada,waxaana tirade ardaydu ay gaareysay ilaa 100 arday oo ka kala soctay Dugsiyada sare Magaalada Galakcyo Ee Xarunta Mudug.

Maakhir Media Galkacyo

Comments are closed