|

Dowlada kenya oo sheegtay inay wali jiran fursado ubanan dhalinta al-shabaab.

NAIROBI(MMEDIA)waziirka qaranka kenya Geoge saitoti ayaa sheegay inay wal jiran fursado ubanan dhalinta shabaab kubiiray inay ugasoobaxan ayna heli doonan cafis loofidin doono dhalintasi.

Mr,saitoti ayaa sheegay inay jiraan dhalin laqalday kuwaasi oo loogu baaqayo inay isaga baxan danbiga ayka galeen shacabka kenya waxana uu kunuux-nuux saday inay markasta sodhawaynayan.

Sidoo kale madaxda dowlada kenya ayaa codsatay dhalinyarada Kenyaanka ah ee ku
biiray Al-Shabaab in ay wali haystaan Fursad ay isugu soo
dhiibi karaan dawlada.

Afhayeenka Militeriga dalka Kenya Co.Sayris Oguna ayaa sheegay in dhalinyarada
Kenyaanka ah ee ku biiray kooxda Alshabaab cafis loo fidin doono hadii ay Dawlada isku soo
dhiibaan.

Mr Oguna ayaa dhanka kale ugu
baaqay waalidiinta in ay la socdan carurtoda si looxaqiijiyo in dhalinyarada aan lagu
marin habaabin ku biiritaanka Al-
Shabaab.

Dhalinyaro badan oo Kenyaan ah ayaa la sheegay in ay ku biireen kooxda Alshabaab,iyadoo
dawlada Dalka Kenyana ay horay
uga codsatay dhalinyarada Kenyan ka ah ee ku biiray shabaab inay si nabad ah isugu soo dhiibaan dawlada cafisna loo
fidin doono.

Dawlada ayaa Horay sidoo kale usoo bandhigtay dhalin yaro farabadan oo ay ku sheegtay inay ka soo tageen alshabaab
islamarkaana ay isku soo dhiibeen Dawlada iyaga oo kafa’iday sanaya cafiska Guud.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network

Comments are closed