|

Dagaal Culus oo ka Dhacay Caawa Gedo iyo Qooqaani oo u dhexeeya Al -Shabaab iyo DKMG ee Somaliya

Wararka ka imaaya degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in caawa halkaasi ay ka socdaan dagaalo xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG ah iyo Xarakada Al Shabaab oo isku haya gacan ku haynta gobolkaasi.

Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Kontarolada laga galo Magaaladaasi oo ay fariisimooyin ku leeyihiin Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, iyadoo wararku ay sheegayaan in dagaalka uu iminka ka socda gudaha Magaalada oo laga maqlayo rasaas xoogan.

Sidoo kale dagaal xoogan ayaa ka qarxay deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose kaasi oo u dhaxeeyo Ciidamada dowladda KMG ah, Kenya oo dhinaca ah iyo Xarakada Al Shabaab.

Xaaladda deegaanka Qooqaani ayaa ah mid kacsan, waxaana la’ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalka Ciidamada Kenya iyo kuwa Al Shabaab ku dhexmaraya deegaanka Qooqaani.

Dagaaladan caawa ka dhacay Gedo iyo Qooqaani ayaan laga soo sheegin wax  qasaare ah balse wararku sheegayaan in dagaal culus uu halkaasi ka dhacay isla markaana ay tahay xili habeena h oo laga war dhowraayo khasaaraha labada dhinac  kasoo gaadhaya.

Dagaalka ayaa bilowday caawa xiligiii fiidkii iyadoo ay labada dhinac ee dagaalamayaa ay halkaasi ku dagalamaan si midba midka kale uu uga qabsado halkaasi.

Maakhir Media Koonfurta Somaliya

Comments are closed