Dagaalo goos goos ah oo xalay kadhacay deegaano hoos imaada gobolka jubada hoose.
NAIROBI(MMEDIA)Dagaaladaan ayaa waxay xalay ka
dillaaceen Degaanada Qooqaani iyo Taabto oo labaduba hoos-
tagga Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, isla-
markaana dagaladaan ayaa yimid markii weerarao dhawr
jiho leh ay soo qaadeen Xoogaga
Shabaab.
Dagaaladaan oo kuwo lama fillaan ahaa ayaa waxaa ku soo baraarugay Ciidamada
Dowladaha Somaliya, Kenya iyo kuwa Raaskambooni oo ka
garab dagaalama, isla-markaana
waxay ka war helleen iyagoo lagu garaacayo gantaalaha garbaha laga gano, oo ay ku
caan baxeyn Xoogaga Shabaab.
Labada dhinac ayaa waxay dagaalo faraha looga gubtay ay
ku dhex mareyn Deegaanadaasi, isla-markaana dagaalada ayaa waxay ahaayeen kuwo si weyn
hubka la’isu adeegsanaayay
looga maqlaayay deegaanadaasi.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Dowladda Kenya ay dagaalada u
adeegsadeen madaaficda Tangiyada ka dhaca, iyagoo ku
aslalaayay dhul baaxad leh oo ay
weeraro kedis ah ka soo qaadeen Xoogaga Shabaab.
Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in dagaaladu aygeysteen khasaarooyin kala
duwan oo soo kala gaaray labada dhinac, isla-markaana waxaa aad u adag in faah faahim rasmi ah laga hello khasaaraha
guud ee labada dhinac soo kala gaaray.
Afhayenka Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed
Faarax Daahir, ayaa wuxuu sheegay in weerarka ka dhacay
Deegaanka Qooqaani ay ku jabiyeen Xoogaga Shabaab, ayna ugu geysteen sida uu yiri khasaaro xoogan, hase yeeshee
wuxuu tilmaamay in dagaalada ka dhacay Deegaanka Taabto
aysan sidaasi u xooganeyn, ayna
durbaba goobtaasi isaga carareen Xoogaga Shabaab, sida uu yiri.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
