|

Kooxa hubaysan oo dadrayid ah kulayey magaalada gaarisa ee gobolka waqoyi bari kenya.

GARISSA(MMEDIA):-Koox hubeysan oo afka soo duubatay ayaa xalay weerar ku qaaday bananka hotel ku yaala magaalada Gaaarisa ee gobalka waqooyi bari Kenya .

Dableydaan ayaa halkaas ku toogtay 4-qof oo soomali ah kuwaa oo fadhiyay bananka hotel Jubba oo ku yaala wadada Kismaayo Road ee magaalada Gaarisa , Laboruux ayaa goobta ku nafbaxday iyadoo labadii kalana iyagoo dhawac xun goobta laga qaaday kuwaa oo la dhigay cisbitaalka guud ee Gaaridsa.

Labada ruux ee dhimatay ayaa ah kuwo dhalin yaro ah halka labada dhawacan tay uu ku jiray shiiq caan ah iyo nin ganacsade ah oo siweyn looga yaqaano magaladas. Dadkii falkaan geystay oo lasheegay in wajiyadu ay u qarsanaayeen ayaa ka fakaday goobta markii ay falkaan geysteen Ciiddmada amaanka ee dowlada Kenya ayaa goobta durba soo gaaray kuwaa oo baaritaano sameeyay mana jirto cid loo qabtay falkaan.

Arintaan ayaa dareen cabsi ah ku abuurtay dadka ku nool magalada Garisa xili dhowan ay dowlada Kenya sheegtay in ay Gaarisa joogaan Somali taageerta Al shabab.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)
saxafi12@gmail.com
Maakhir media Networka

Comments are closed