Kooxda xirirka caalamiga ah ee internional contect group oo shir loogahadlayo arimaha soomaliya kuleh dalka jabuuti.
NAIROBI(MMEDIA)Shirlooga hadlayo arimaha somalida ayaa waxa uu manta kafurmayaa magalada j.buuti ee jamuriyada dalka j.buuti ayadona aygoob joogka yahiin masuulinta dowlada KMG ah.
Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee
Arrimaha Somaliya “International Contact Group”, ayaa waxay
maanta kal fadhi balaaran ay ku
yeellan doonaan Magaaladda Djabouti ee dalkaasi Djabouti,
isla-markaana waxay isla lafa- guri doonaan, marxaladda cusub ee xilligaan ka taagan dalka Somaliya.
International Contact Group oo ay qeyb ka yihiin wadamada
jaarka ah, ayaa waxay maanta diyaar u yihiin inayka fallodaan arrimaha Soomaaliya,
gaar ahaan dagaalada culus ee xilligaan Xoogaga Shabaab ku
furan iyo Shirka London ee 23-ka
bishaan ka furman doona Magaaladda London ee Xaruunta
Boqortooyada Britain.
Afhayeenka Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ahna Lataliyaha Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Raxmaan Cumar Cismaan
“Injineer Yariisow”, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Raa’isal
Wasaare Gaas uu ka qeyb-gelli doono kal fadhiga ay maanta
Magaaladda Djabouti ku yeellan doonaan Kooxda Xiriirka
Caalamiga ah ee Arrimaha Somaliya.
Afhayeenka ayaa wuxuu qiray in shirkaasi looga hadli doono arrimaha Wadanka Soomaaliya,
isagoo xusay in shirkaasi uu qeyb ka yahay dadaalada dalka Soomaaliya loogu jiro, sidii
cagahiisa dib loogu taaggi lahaa.
Sikastaba ha’haatee shirkani ayaa waxa uu qeyb kanoqonayaa shirarka wakhtigani looga hadlayo marxlada dalka somalia iyo nabada buuxda ee dowlada soomalia gaartey.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
