Faah faahin kasoo baxaysa Dadkii Maydka ahaa ee maanta laga helay Gaalkacayo iyo cidii dishay
Waxaa saaka laga helay Koonfurta magaaalada Gaalkacayo 3 ruux oo mayda iyadoo mid kalena dhawacmay waxaanawaxaana wararku intaa ku darayaan in Ragan maanta lagu arkay Gaalkacayo ay ahaayeen kuwo dhawaan ciidamada amaanka ee Galmudug ay qabteen kadib qaraxii lala beegsadat Hoygii Cabdi qaybdiid ee Magaladaasi ku yaalay losoo qabtay.
waxaana ay wararku sheegayaan in ay dileen habeenki xalay ahaa wasiir kuxigeenka Amaanka Galmudug Axmed Baasto oo u waramayay laanta afka somaaliga ee VOA ayaa sheegay in dilka ragaasi ay ka danbeeyeen Qaar kamida ciidamada dawlada ilamarkaana ay dilkaasi gaytseen iyadoo mid kamidana ay dhawaceen ragaasi.
“Ragani waxay ahaayeen 4 nin oo loo soo qabtay Qaraxii maalin dhawayd lala eegtay guriga Cabdi qaybdiid islamarkaan alagu tuhmaayay in ay ka danbeeyeen waxaana 3 kamida dilay ciidan kamida Galmudug laakin waa lagu raad joogaa ciidankaasi dilka gaystay”Sidaasi waxaa yiri wasiir ku xigeenka Amaaanka Galmudug Axmed Baasto.
Dilkan loo gaytay dadka Rayidka ah ayaa waxaa cabsi wayn ku dhalisay dadka deegaanka Gaalkacayo iyadoo ay is waydiinayaan sababta ay u dileen ciidamdu ragan hadiba ay qabteen oo ay ka shakiyeen iyadoo sidoo kalen la shegayo in ciidamadu ay ku raad joogaan dadkii dilka ka danbeeyay raga la dilay.
Dhawaan ayay ahayd markii xili maalin ah guriga Cabdi qaybdiid lala begsaday Qarax ay isku soo xidhay nin walxa qarxa islamarkaan ay ku dhinteen laba kamid ilaalada Qaybdiid iyo ninkiii qarax gastay ,qaraaxaasina ay shegteen Al shabaab ,iyadoo Xalayna Baraxley lagu dhex arkay Rag mayd ah oo ahaa kuwii ay askartu ug qabatay Qaraxaasi.
Maakhir Media Gaalkacayo
