Xisbiga UDUB oo soo dhaweyay Shirka london ka furimidoona in ay xukumadu ka qayb Gasho
Ururka Domoqraadiga Ummadda Bahawday (UDUB)
Ref: XS/G-F/ 02/12 Date: 03-02-2012
Ujeedo War Saxafaadeed.
Waxa Maalmahan Magaalada Hargeisa safar ku joogey ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska ujooga Wdanka Ethiopia ahna u qaabilsanaha arrimaha Somaliland dawladda Ingiriiska Ambassador Chris Allen iyo Matt Woods oo ah u qaabilsanah Xafiiska Siyaasada Safaaradda.
Waxa kulan qaatay muddo saacad ah la yeeshay Xubno ka tirsan Gudiga fulinta ee Xisbiga UDUB, waxayna war bixin ka dhegaysteen Ambassador Chris Allen oo war bixin naga siiyey ujeedooyinka shirka. Ambasadorku waxu hadalkiisa ku bilaabay;waxa ra’iisal wasaaraha Dawladda Ingiriisku marti gelinayaa shirka loo qaban doono Somalia Bisha Febraayo 23 2012 laguna qaban doono magaalada London.
Ujeedooyinka shirkuna waa sida soo socota.
- Dawladda Ingiriisku waxay aragtay fursad lagu heshiisiin karo Somalia oo aanay Somaliland ka mid ahayn
- In shirkani khaas u yahay Gobolada dhexe iyo Koonfurta Somalia.
- Ma aha ujeedadayadu inaanu isu keeno Somalia iyo Somaliland.
- Waxa lagaga wada hadlayaa arrimaha nabad gelyada ee gobolka, oo ay ka mid yihiin; Argagixisada, Budhcad badeeda iyo nabad gelyada gobolka geeska Afrika.
- Waxa kale oo lagaga hadlayaa arrimaha bani’aadanimada, horumarka iyo ka hor taga abaaraha.
- Waxa kale oo lagaga hadlayaa sida ugu haboon ee loo hagaajin lahaa taageerida iyo horumarinta Somalia
- Sida beesha Caalamku isaga kaashan lahayd Taageerada iyo horumarka Somalia
- Somaliland qayb kama aha geedi socodka siyaasadeed ee Somalia
- Waxanu danaynaynaa in Somaliland ka hesho taagero horumarineed, la dagaalanka argixisada, dhismaha dawlad wanaaga iyo sidii nabad galyada iyo deganaanshaha salka loogu adkayn lahaa.
- In laga barto habkii ay u martay nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo dhismaha dawladnimada.
- Waxay fursad u tahay madaxweynaha Somaliland inuu la kulmo 50 dawladood madaxwweynayaashooda, kalana hadlo qadiyada Somaliland.
Maqaamka Somaliland ee shirka:
Waxanu og nahay dareenka shacbiga Somaliland uu ka qabo ka qayb galka shirka iyo arrimha gooni isu taagoodaba, sidaa awgeed:
- Ka mid noqon maayaan wafdiga TFG ee Somalia
- Waxanu u xaqiijinay Somaliland inaanay gorgortan ka galeyn mustaqbalkooda iyo rabitaankooda waxii ay doonayaan.
- Somaliland ka dhex muuqan mayso dawlad goboleedyada Somalia iyo TFG midkoodna.
- Waxay Somaliland ka mid noqon doontaa 50 dawladood oo ka soo qayb gelaya shirka, waxayna lee dahay maqaam la mid ah dawladaha kale ee shirka lagu casuumay.
Waxa safiirku noo sheegay in Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Ingiriisku kula soo xiidhadhay Telefoon madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamud Maxamed “Siilaanyo” si uu ugu faahfaahiyo agendaha shirka.
Mawqifka Xisbiga UDUB
Haddaba Xisbiga UDUB isaga oo ka duulaya warbixintaas faahfaahsan ee uu ka helay dawladda Ingiriiska, Derseyna faa’iidada ugu jiri karta Somaliland, Markuu ku qancay fursada madaxweynuhu kula hadli karo 50 dawladood una sharixi karo qadiyada Somaliland iyo sidii ay beesha caalamka uga mid noqon lahayd, markaanu ku qanacnay inaan Somaliland qayb ka ahayn geedi socodka siyaasadeed iyo dib u heshiisiinta Somalia (Roadmap and political process), markay noo muuqatay in laga heli karo shirka taageero dhaqaale, nabad gelyo iyo mid siyaasadeedba, markii aanu dib u miliilicnay waayo aragnimadii mucaaridninimo ee Kulmiye ee shalay ee aan dalka iyo dadka midna faa’iido u lahayn, markaanu go’aansanay mucaaridnimo wadaninimo hagayso, waxanu go;aansanay in la taageero ka qayb galka shirka London, xukuumaduna ku dhiirato inay ka qaby gasho shirka, kana qayb geliso xisbiyada qaranka si ay wax uga ogaadaan hadafka dhabta ah ee shirka iyo wax-yaabaha ka soo baxaba.
Wa Billaahi tawfiiq
Cumar Jaamac Faarax Dr. Mohamed Aw Dahir Ibrahim
Guddoomiyaha Xafiiska Siyaasada Guddoomiyaha Xafiiska Arrimaha Gudaha
Maakhir Media Hargaysa

