Hishiis Qandaraas Laami lagusaarayo midkamida Wadooyinka Bossaso.
Bossaso (MMedia) Munaasabad balaaran oo lagu kala saxiixnayay hishiih Qandaraas dhisida midkamida wadooyinka Magaalada Bossaso ayaa maanta lagu qabtay gudaha magaalada Bossaso.
Munaasabadaani ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin kamida Maamulka Goblka Degmada Punt land Culumaa’udiin Aqoon yahano Dhalinyaro Haween iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Munaasabadaan ayaa waxaa ka hadlay qaar kamida Masuuliyiintii kasoo qayb gashay oo ay kamid ahaayeen Wariika Amniga Punt land Khaliif Ciise Mudan Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Max’ed Gallan iyo Duqa Degmada Bossaso Xasan Cabdala Xasan.
Suldaan Bashirr Muuse oo kamid ahaa waxgaradkii kasoo qayb galay Munaasabada ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dad waynuhu ay fahmaan waxa uu horumarka kujiro isagoona sheegay in wax walba oo horumarka kamida ay imaanayaan markii amaanka la sugo ayna hagaagayaan Dhamaan arimaha Bulshada oo bilicda Magaaladu ay kow katahay.
Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Xog hayaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Punt land oo ku hadlayay Magaca Rugta Ganacsiga waxaa uuna sheegay in horumarku uu kayimaado dhanka Bulshada ayna tahay in ay dadku ka shaqaystaan Dhulka oo ay iyagu beeryaan dayactirtaan ka shaqeeyaan Horumarkiisa isagoona intaasi raaciyay in Bossaso ay sugayso Sshacabka iyo Dawlada oo iskaashada ayna rajaynayaan in ay horumar gaari doonaan.
Ugaas Xasan Ugaas Yaasiim oo isna halkaasi la hadkay ayaa waxaa uu tilmaamay in Maalintaani ay tahay Maalin Taariikhi ah Maadaama Bulshada reer Punt land aysan dhaqan u lahayn inay laamiyo Dhistaan waxaa uuna sheegay inay u horseedayaan Horumar Cusub.
Waxaa sidoo kale halkaasi hadalo kasoo jeediyay Wasiirka Amniga Punt land , Gudoomiyaha Gobolka Bari , iyo Duqa degmada Boosaaso iyagoona uga mahad celiyay Bulshada reer Bossaso sida ay horumarka uga Shaqaynayaan.
Qandaraaskaani laamiga lagu saarayo mid kamida wadooyinka Magaalada Bossaso ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Mudooyinkii u danbaysay ay Magaalada Kasoconayeen Hawlo lagu Dayctirayo Wadooyinka Magaalda Bossaso.
Cabdiraxmaan Sanka.
c.raxmaan.sanka@gmail.com
Maakhir Media Office News in Punt land.
