|

Ciyaaraha Gobolada puntland oo maanta ay isku beegan yihin Karkaar iyo Hayland

Waxaa maanta la filayaa inay isku dhacaan Gobolada Haylaand iyo Karkaan islamarkaasina lasugayo ciyaar aad ukulul inay soo bandhigaan labada dhinac iyadoo ay jirto diyaar garow aad u balaadhan oo ay samaynayaan labada kooxood.

Ciyaarta galabta dhicidoonta ayaa si wayn looga hadal hayaa magaalada Garowe ee caasiamda Puntland  islamarkaasina ay laba koxood oo adag ay ku haradami doonaan Garoonka mire awaare ee Gaorowe.

Labadan Gobol waa Hayland iyo Karkaar ayaa ah laba Gobol oo darisa islamarkaasina iskaga dhow gobolada kale ee puntland  halka caasiamda Hayland ay tahay Dhahar iyadoo sidoo kalena ay caasimada Karkaar Tahay Qardho marka si loo eegana aan waxba isu jirin bal waan eegnaa  labada koooxod iyo kooxdii badisa .

Shalay waxaa ciyaaray labada Gobol Nugaal iyo Bari iyadoo laba lagaga badiyao Kooxda Gobolka Bari isla markasina daaha lagaga furay gobolka nugaal oo isagu marti galiyay ciyaaraha Gobolada Putland.

Maakhir Media Garowe.

Comments are closed