|

Dhakhtar lagu dilay Magaalada Galkacyo.

Galkacyo (MMedia) Dr. C/qaadir Maxamed Salaad ayaa waxaa lagu dilay Magaalda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Alle ha unaxariistee Dr.C/qaadir Maxamed Salaad(Dr.Faaris) ayaa waxaa kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garanayn waxaa ay ku dileen koofurta Magaalada Galkacyo Dr.Faaris xili uu marayay aaga Hotel Embassy iyadoo ay kooxahaasi ooda kaga qaadeen rasaas farabadan.

Dhakhtarka ayaa durba waxaa loola cararay dhanka Cisbitaalka Koonfurta Magaalada Galkacyo halkaasi oo ku naf baxay waxaa ayna wararku sheegayaan in xiligii Xabadaha lagu furay Dr.Faaris alle ha unaxariistee uu la socday wiil uu dhalay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku daryaan inaan la ogayn sababta ka danbaysay Dilka Dr.Faaris walow Mudooyinkii danbe ay isasoo tarayeen beegsiga Dadka Musiiliyiinta ah.

Alle ha unaxariistee Dr. C/qaadir Maxamed Salaad oo kulahaa Koonfurta Magaalada Galkaacyo Goob dadka lagu daweeyo ayaa dilkiisa waxaa uu qayb kanoqonayaa dilalka loo gaysto waxtarka Umada Soomaaliyeed oo la isku dayayo in la Dabar gooyo.

Cabdiraxmaan Sanka.

c.raxmaan.sanka@gmail.com

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed