|

Shil Gaari oo dad ay ku dhinteen ayaa ka dhacay Gobolka Mudug.

Galkacyo (MMedia) Waxaa ku dhinta shil Gaari oo ka dhacay tuulo u dhow magaalda Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dad gaaraya ilaa 12 qof iyadoo in kalana ay ku dhaawacmeen.

Gaarigaani oo ahaa nooca loo yaqaano nooca marka II ayaa waxaa dar daray gaariga candha baylaha ay soomaalida qaarkood dhahaan qaarna ay uyaqaanaan caga badanta.

Gaari Mark II -ga aha ayaa waxaa la sheegay inuu usocday Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Muduga halka kan caga badanta loo yaqaanana uu yimaaday dhanka Magaalada Galkacyo uuna ku wajahnaa Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Mudug.

Shilkaani ayaa waxaa ku dhintay sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Magaalada Galkacyo inay ku dhinteen 12 ruux oo a4 kamida aya yihiin caruur ayna halkaasi ku nafbexeen iyaga iyo hooyadood.

waxaa sidoo kale warar isasoo taraya ay xaqiijinayaan in ay dhamaan badbaadeen dadkii la socday gaari loo yaqaano candha baylaha ama caga badanta iyadoo la sheegay in xoogaa jug ay soo gaartay qaar kamida dadkii la socday gaari.

Dhanka kale waxaa goobta shilku uu ka dhacay gaaray qaar kamida Maamulka Gobolka Mudug oo halkaasi u tagay bal inay wax ka ogaadaan xaalada dadkii shilka galay ay kusagn yihiin.

Shilkaan gaari oo kuyimid si kadis ah ayaa waxaa loo sababayn karaa in aqoonta darewalada oo hoosaysa ay tahay iyo waliba masuuliyad darada qaar badan oo kamida darewalada.

Cabdiraxmaan Sanka.

c.raxmaan.sanka@gmail.com

Maakhir Media Office News in Punt land

Comments are closed