|

Dalka Jazaair oo iska hor imaad uu ka dhcay ka dib geerida qof shacab ah.

Algeria (MMedia) Kadib markii uu qof shacab ah u dhintay jir dil loo gaystay ilaa uu ka dhintay ayaa waxaa dadka shacabkaa waxaa ay iska hor imaadyo kala hortageen ciidamada amaanka ee dalkaasi Jazaair.

Al sharaaqa oo Magaalada caasimada ee dalkaasi ka xigta 10 KM dhanka koonfureed ayaa waxaa dadka shacabka ah ee ku dhaqan waxaa ay ciidamada amaanka ee halkaasi kula keceen weeraro ka dhashay kadib markii ay ciidanku jir dil kudileen mid kamida dadka deegaankaasi.

Wararka halkaasi laga helayo ayaa waxaa ay ku waramayaan in dadka deegaankaasi ay maalintii talaadada xireen wakhti gaaban waddo muhiima oo deegaanki marta.

Dhanka kale ciidamda amaanka ayaa waxaa ay u adeegsadeen kala cayrinta shacabka tuubooyinka biyaha ah ee xooga badan iyo sidoo kale gaaska ildhaha ka ilmeeya laakiin taasi ayaana waxba ka tarin kala cayrinta shacabka waxaana sii socday iska hor imadka ilaa ay lagaartay goobta la yiraahdo sayid xasan iska hor imaaskuna waa uu sii socday.

Dadka sharaaqa ayaa waxaa ay usoo bexeen wadooyinka deegaankaasi iyagoo dalbanaya dhiiga muwaadinka la dilay waxaa ayna wararku sheeagayaan in rag farabadan oo lala qabtay muwaadinkaasi la dilay lasii daayay ayna sabab u ahayd inay ka tirsanaayeen reera taajiriina dawlada madax ka ah.

Sikastaba ha ahaatee iska hor imaadkaani ayaa waxaa laga yaabaa inuu isku badalo kacdoonadii lagu jabiyay qaar kamida madaxdii dawladaha carabta oo qaarna la dilay qaarna ay haatan caafimaad daro ku nool yihiin.

Cabdiraxmaan Sanka.

c.raxmaan.sanka@gmail.com

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed