Maamulaha Macadka Bandar Qaasim oo ka warbixiyay hawlaha Macadka.
Bossaso (MMedia) Egn Ismaaciil Max’ud Yuusuf oo ah Maamulaha Macadka Bandar Qaasim college ayaa waxaa uu ka warbixiyay Hawlaha waxbarasho ee Macadka waxaa uuna sheegay in Macadku uu kusagan yahay Xaalada wanaagsan waxbarashaduna ay sidii loogu talagalay ay ubaxayso.
Maamulaha ayaa waxaa uu kawarbixiyay waxa sababay in Macadka Bandar Qaasim College la aasaaso waxaa uuna sheegay kadib markii ay arkeen baadia ay Bulshadu uqabto inay hesho Aqoon tayo sare leh ay Go’aan sadeen inay aasaasaan Macadkaan maadama aysan jirin Dawlada Dhexe oo arimaha Waxbarashada ka shaqaysa.
Dhanka kale Maamulaha ayaa waxaa uu sheegay ina Waxbarashada Macadku ay tahay mid aad usaryasa ayna Ardada uqabtaan Barnaamijyo Muhiima oo waxtar u ah Bulshada waxaa uuna intaasi raaciyay inay ardayda siiyaan diplomooyin aqoontooda kor uqaadaysa.
Eng Ismaaciil Max’ud Yuusuf oo wax laga waydiiyay xiriirka ay la leeyihiim wasaarada waxbarahsa ee Punt land ayaa waxaa uu tilamaamay inuu xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo ayna rajaynaya inuu xiriirkoodu intaasi kasii waynaado.
Maamulaha ayaa waxaa uu dhanka kale ka warbixiyay xiriirada ay la leeyihiin Jaamacada iyo School-ada kale ee kuyaala deegaanada Punt land isagoona sheegay in xiriir wanaagsan ay la leeyihiin Jaamacadaha Macaahida iyo School-ada kale ee deeganada Punt land ku yaala.
Macadka Bandar Qaasim College ayaa waxaa uu kamid yahay Macaahida ugu firfircoon Punt land iyadoo tayadiisa waxbarahsana ay tahay mid aad usaraysa.
Cabdiraxmaan Sanka.
Maakhir Media Office News in Punt land.
