Taliyaha Nabad galyada Waaxda Xawo Tako Xuseen Cumar Sabriye (Shandaqiiqo) “Waan Hayna dadkii ka danbeyay dilkii Agaasimaha
Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay qabteen dadkii ka danbeyay dilkii Agaasimihii Shabelle ee laba maalin ka hor lagu dilay magaaladaasi.
Taliyaha laanta xaawa Taako Mr Shandaqiiqo ayaa sheegay in ay qabteen ragii ka danbeeyay dilkii Agaasimihii idaacada Shabele ee magaalada muqdisho waxaana uu tilmaamay in la qabtay afar nin oo ka danbeeyay dalka iyadoo uu sheegay in laba kamida ay qirteen labada kalen lagu wado Baaritaan.
Taliyaha Nabad galyada Waxaada Xaawo-Taako ee degmada wadajir Xuseen Cumar Sabriye (Shandaqiiqo) isagoo saxaafada la hadlaya ayaa yidhi
“Waxaan ku qabanay meel ku dhow guriga uu daganaa agaasimihii shabeelle, xittaa waxa la soo qabtay labo ka mid ah iyagoo watay hubka ay dilka ku geesteen, waxa ay ay ahaayeen rag ku cusub xaafada lagu dilay marxuum Xasan”Wuxuu kaloo uu sheegay ragan in ay ku xiran yihiin saldhiga wadajir, dhawaan maxkamad ayaa la soo tagaayaa ayuu yiri Taliyaha Nabad galyada Waxaada Xaawo-Taako.
Dilka Agaasimaha ayaa waxaa cambaareeyay sidoo kale madaxwaynaha DKMG ee Somaliya Shiikh sharif isagoo ku sugan dalka itoobiya khadka Taleefanka ugu waramay warbaahinta in ay cambaaraynayaan dadki ka danbeeyay isago tilmaamay in ay ka danbeeyaaan Al-Shabaab waxaana uu sheeagay in Talaabo laga qaadi doono dadkii ka danbeeyay.
Shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa iyagana dhankooda aad uga naxay dilka Agaasimaha alla ha unaxariistee iyagoo sidoo kalena canbaaareeyay dilkaasi .
Laba maalin ka hor ayay ahayd markii xili makhrib ah lagu diliay Magaalada Muqdisho Agaasimihii IDaacada shabele iyagoo ay dablay hubaysan ay ku dileen agagarka xaafadiisa iyadoo dawlada kumeel gaarka ahina ay sheegatay in ay qabteen 4 nin oo ka danbeeyay dilkii Agaasimaha.
Maakhir Media Muqdisho
