Herve Renard “Ujeedkeenu waa inaan gaarnaa kaalin kawanaagsan tii 2011″
Sports (MMedia) Tababaraha Qaranka Zambia Herve Renard ayaa waxaa uu muujiyay sida uu ugu farxsan yahay kaalinta ay marayaan Kooxdiisa ee quarter-finals-ka ee Cop-ka Qaramada Qaarada Africa.
Tababare Herve Renard ayaa waxaa uu sheegay inuu yoolkooda yahay inay xaqiijiyaan kaalin kawayn tii sanadkii hore ee 2010 ay ka guulaysteen.
Qaranka Dalkaasi Zanbia ayaa waxaa uu kujiraa kaalinta koowaad ee Cop-ka Qaramada Qaarada Africa isagoona haysta 7 Dhibcood oo iyadoo dhibicna ay seegtay kulankii dhexmaray Qaranka Dalkaasi Equatorial Guinea oo ay barbar dhac ama bareejo galeen.
Tababaraha ayaa waxaa uu yiri ” Ujeedkeenu waxaa uu ahaa inaan qalno kaalinta koobaad sidii sanadkii 2010 kadib markii aan kaamiruun dhulka kujiidnay haatana wareegii koowaad ayaa noo dhamaaday kulankii aan Guinea laqaadanay walow uusan ahyn mid nafarax galiyay mana aanan filayn inaan liibiya xisaabta la galno”.
Dhanka kale Tabaraha ayaa waxaa uu sheegay in inay doonayaa inay final-ka soo fariistaan maadama aysan soo gaarin fiinaalaha tanyo sanadkii 1996 oo ahayd markii ugu danbaysay ee ay finalka soo gaaraan.
Xulka Qaranka Zanbia ayaa waxaa uu kutala jiraa inuu kaalin fiican kasoo hoyo Koobka Qaramada Qaarada Africa iyadoo uu hatan ay awoodiisu xoogantahay Balse ciyaari waa galin danbe oo waa la is arki doona.
Cabdiraxmaan Sanka.
c.raxmaan.sanka@gmail.com
Maakhir Media Sports
