Shirjaraaid oo uu qabtay Eng Max’ed Siciid raage oo uu kaga hadlay arimaha Dekada Bosaso (Dhagayso)
Podcast: Play in new window | Download
Bossaso (MMedia) Wasiirka Dekaha gaadiidka bada iyo burcad badeeda punt land mudane Max’ed Siciid Raage ayaa waxaa uu ugu baaqay dhamaan Gaadiidlayda Badda inay Gaadiidkooda ka soo saaran Dekada Magaalada Boosaaso.
Wasiirka ayaa waxaa uu ku sheegay Shir jaraaid oo uu qabtay in ay kasoo faaruqeen dib u habaynta qaybta hore ee Dakada Magaalada Bossaso ayna haatan doonayaan inay ka shaqeeyaan Gudaha Dekada waxaana uu Gaadiidlayda Badda ku wargaliyay inay ka saaraan Gaadiidkooda Dekada Magaalada wakhtiga ay haystaana uu yahay Mudo kusiman 42 saac.
Dhanka kale wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in cidii Gaadiidkeeda ka saari wayda Dekada ay ciidamada Dakadu iyo wasaaradu ay uxilsaaran inay kasaaran wixii kharash iyo dhib soogaartana ay iyagu masuul kanoqdaan waxaa uuna yiri Wasiirku
“Cidii kala bixi wayda ciidanka dakadu iyo wasaaraduba waxaa ay u xilsaaran yihiin inay kasaaraan wixii kharash iyo dhib soo gaarana ay iyagu masuul kayihiin”
Wasiirka ayaa waxaa uu shirkiisan jaraaid kusoo qaaday in loo baahan yahay in la baneeyo dhamaan Dekada qaybaheeda kale oo ah inta ku xeeran Dakada magaalada Bossaso lagasoo bilaabo qaybta Nekfish ilaa iyo Xaafada Suweyto.
Wasiirka ayaa waxaa adkeeyay Codsiga ay ujeedinayaan Gaadiidleyda Baddaisagoona sheegay in aan laga tageyn qayb kamida Dekada Magaalada Boosaaso oo dhamaanteed la qodayo lana habeenayo si ay suura gal u noqoto in Maraakiibtu ay qaybtooda kusoo xirtaan Doomuhuna ay iyaguna qaybtooda kusoo xirtaan.
Sikastaba ha ahaatee maahan markii ugu horaysay ee Gaadiidleyda Badda loogu baaqo inay Dekada kala baxaan gaadiidkooda iyadoo baaqaana uu noqonayo kii ugu danbeeyay sida uu sheegay Eng Max’ed Siciid raage.
Cabdiraxmaan sanka
Maakhir Media Office News in Punt land
