|

Waxgaradka iyo isimada Gobolka Bari oo Canabaarayn iyo tacsi kasoo saartay Dilkii Xildhibaan Bile(Dhagayso)

Play

Bossaso (MMedia) Kadib markii Magaalda Baargaal ee Gobolka Bari lagu dilay Xildhibaan Bile Max’ud Yuusud oo ay dileen Malayshiyaat hubaysan kuna dileen Barta Kaanroolka ee Magaalada Baargaal.

Beeldaaje  Ismaaciil  Beldaaje Calbari oo Saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu ugu horay uga tacsiyadeeyay Eheladii iyo Qaraabadii uu ka geeriyooday Xildhibaan Bile Max’ud  isagoona sheegay naftu hadii ay mar go’do inaysan soo laabanayn wax walba oo lasameeyaba uuna samair iyo iimaan uu alle uwaydiinayo Eheladii iyo Qaraabadii uu Xildhibaanku ka geeriyooday.

Beeldaaje Ismaaciil ayaa waxaa uu yiri maruu saxaafada la hadlayay “Aduunkaan waa laga tagayaa waxaa weeye eheladii iyo qaraabdii uu katagay waxaan ilaahay uga rajaynaynaa inuu samirkasiiyo ay usabraan oo is dajiyaan  waayo qof dhintay masoonoqon karo si kasta oo aan u caroono laakiin waxaa loo baahan yahay in la sabro oo inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun labadiyo oo ducada loo badiyo ciyaalu uduceeyaan sadaqo loosiiyo”

Dhanka kale beeldaajaha ayaa waxaa uu canbaarayn udiray dadkii kadanbeeyay dilka xildhibaanka isagoona Dawlada Punt land u sheegay inay iyagu kujiraan hawshaan ayna rajaynayaan inay guul kagaaran waxaa uuna intaasi ku daray inay ka ka kooban yihiin Nabadoono Ganacsato Waxgarad iyo Guurti isagoona dhalinta hubaysan ugu baaqay inay hubka iska dhigaan.

Waxaana uu yiri Beeldaaja isagoo kawaramayay dilkaan “fitan baa jirta waa ay iska faafaysaa waa dabayl dabayshaa waxaan jeclahay in la xajiyo Dhalinyarta waxaan usheegayaa hubaysan meel kasta hajoogaan inay qorayaha iska dhigaan waxaaweeye aduunbay  joogaan aduunkaan waa ay katagaan aakhiro ayaa jirta qof nafta ka qabta iyo qof dila iyo arinta noocaasa arin masiirka dalka ufiican maaha qof ladilo ayaa aduunka oo dhan ka khatarsan”.

Ugu danbayn Beeldaajaha ayaa waxaa uu tacsi guud udiray dadka soomaaliyeed iyo Eheladii iyo Qaraabdii uu ka geeriyooday Xildhibaanku waxaana uu Bogaadin usoo jeediyay Odayaasha Baargaal sida ay arinta u dajiyeen maadaama ay gacan qabteen wiilkiisa oo markaasi jawaab kabixin lahaa geerida aabihii.

Cabdiraxmaan Sanka.

c.raxmaan.sanka@gmail.com

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed