Wasiirka Aminga Punt ladn oo shirjaraaid kaqabtay Geeridii Xildhibaan Bile(Dhagayso)
Podcast: Play in new window | Download
Bossaso (MMedia) Iyadoo lagu dilay Magaalda Bargaal ee Gobolka Bari Xildhibaan Bile Max’ud ayaa Wasiirka Amaanka Punt land waxaa uu Shir jaraa id kaqaytay Geeridii Xildhibaan Bile oo lagu dilay Afaafka hore ee Magaalada Bargaal.
Wasiirka Amniga Punt land ayaa waxaa uu shirkiisaan Jaraaid ugu horayn ka warbixiyay waxyaabihii uu Xildhibaanku u aaday deegankaasi iyo qaabka uu dikiisu udhacay.
Intaa kadib waxaa uu Tacsi u diray Madaxweynaha , Madaxweyne ku xigeen , Gudoomiyaha Baarlamaanka Punt land , Xunbaha Baarlamaanka iyo dhamana shacabka Reer Punt land isagoona si gaara tacsi tiiraanyo leh ugu diray Eheladii iyo qaraabdii uu ka geeriyooday Xildhibaanku.
Wasiirka Amniga Punt land Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanku alle ha unaxariistee uu kuguda jiray xiliga ladilay hawl Qaran oo ahayd in Gole Deegaan loo sameeyo Deegaankasi ayna ahayd inuu sii abaabule kana dhaadhiciyo dadka inta aysan Golaha wasiiradu halkaasi tagin.
Mar waxlaga waydiiyay Wasiirka cida kadanbaysay falkaan dilka ah ee lagula kacay Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegayn in nin xareed la yiraahdo uu usoo adeegsaday Burcad halkaasi kaqlaysata waa sida u hadalka u dhigaye.
Mudane Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa uu sheegay inay gacan bira kusoo qabanayaan Dadkii falkaasi dilka ah kadanbeeyay ayna ka shaqaynayaan amaanka ilaa inta laga gaarayo in qof walba uu istaaf la’aan socdo meel walba oo uu doono.
Ugu danbayn Wasiirka ayaa waxaa uu ugu baaqay Shacabka inaysan ku kicin wax argoosad ah ayna udaayaan hawsha waxgaradka si aysan halkaasi uga dhicin Dagaalo Qabiil.
Cabdiraxmaan Sanka
Maakhir Media Office News in Punt land.
