|

Madaxweyne Shariif oo lagusoo dhaweeyay Adis Shirka IGAD-na kaqayb galay(Sawiro)

XFKS (MMedia) Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya Mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka duulan Maalin shalay Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade international Air-port una kicitamaya Magaalada Adis Ababa ee Dalkaasi Itoobiya si uu uqa qaybgalo Shirka Urur gobleedka IGAD uga socday Magaaladaasi ayaa waxaa lagusoo dhaweeye Dalkaasi Itooboya.

Madaxweynaha oo si diiran loogusoo dhaweeye Garoonka ayaa waxaa uu ka qayb galay Shirka Urur gobleedka IGAD iyadoo lafilayo inuu Madaxweynuhu halkaasi kasoo jeedijo Khudbada kusaabsan arimaha Dalka Soomaaliya.

Xukuumada Kumeel gaarka ah ee soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay inay gabi ahaanba gacan ku haynta Magaalada Muqdisho laweereegeen Madaxweynahana looga fadhiyo inuu Shirka kasoo jeediyo warbixin kusaabsan la wareegida Magaalada Muqdisho.

Sikastaba ha ahaate shalay ayay ahayd markii Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Dawalada Soomaaliya ay ka duuleen Magaalada Muqdisho iyadoo Madaxweynuhu uu ukicitamay Magaalada Adis ababa Ra’iisaul wasaaruhuna uu qabtay Dalka Talyaaniga.

Daawo. Sawirada soo dhawaynta Madaxweynaha iyo kaqayb galkiisa Shirka IGAD.

Comments are closed