Madaxwaynaha DKMG ee Somaliya oo u anbabaxay Itoobiya iyo Raysal wasaare Gaas oo isna Aaday Talyaaniga
Muqdisho-MMedia-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka duulay Madaxwayanah Somaaliya iyo Raysal wasaarihisa iyagoo u kala duulay wadama Itoobiya iyo Talyaaniga .
Madaxwaynaha ayaa ukicitimay wadanka Itoobiya caasimadiisa Adis Ababa halkaasi oo uu ka qayb galayo shirka Wadamada IGAD isago halkaasina kulamo kula yeelan doona madaxda Igad isla markaana uu kala hadlaayo xaalada dalka isagoo sidoo kalen ka jeedin doona qudbad ku saabsan xaalada Somaliya iyo Guulaha ay Muqdisho ka gaadheen.
Sidoo kale daqiiqado kadib waxa halkaasi ka duulay Raysal wasaaraha Somaaliya C/wali Maxamed Gaas isagoo u kicitimay wadanka Talyaaniga halkaasi oo uu kulamo kala duwan la yeelandoono masuuliyiinta dalkaasi waxaana uu kala hadli doonaa xaalada dalka iyo ajandaha dawalda hortaagan dawlada sanadkan cusub iyo xiriirka labada dawladood.
Safaradan kala duwan ee ay masuuliyiinta dawaladu ugu anbabaxday wadama Talyaaniga iyo Itoobiya aya kusoo beegmaya xili maanta isku shaandhayn lagu sameeyay Golaha wasiirada iyadoo sidoo kalen ay dawladu sheegtay in ay gabi ahaanba la wareegeen Magaalada Muqdisho.
Sawirada xigasho RadioMuqdisho








