Dowladda kenya oo beesha caalamka hor dhigaysa dhibaatada aykuhayan qaxoontiga soomalida.
NAIROBI(MMEDIA)Dowlada dalka Kenya ayaa u gudbinaysa bisha
soo socota beesha caalamka dhibaatada iyo culayska ay ku
hayaan dadka qaxootiga soomaalida ah ee ku jira xarooyiinka Dadab.
Wasiirka amniga gudaha Pro George Saitoti ayaa waxa uu sheegay in madaxwayne Kibaki
uu hogaamin doono ergo balaaran oo ka qayb gali doonta kulanka uu marti galinayo raisul wasaaraha Biriten ee looga hadlaayo arimaha soomaaliya islamarkaana lagu wado in uu qabsoomo 23 bisha soo socota .
Saytooti ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in kulankaasi ay ka soo jeedin doonaan arimo badan oo ay ka mid tahay dhibaatada Alshabaab oo uu sheegay in ay
dhibaatadooda ka talaawday gobolka bariga africa .
Wasiirka amniga gudaha ee dalka ayaa carabka ku adkeeyay in ay jiraan dad badan oo ajaaniib ah oo wadamo fogfog
ka yimid islamar kaana ku biiraya
xarakada alshabaab.
Pro George Saitoti ayaa waxa uu ku nuuxnuuxsaday in dhibaato badan oo ay ka mid tahay amaanka ay qaxootigaan faraha
badan ee soomaalida ay ku hayaan dalka Kenya.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Office News Nairobi.
