|

Ra’iisul wasaare C/wali oo booqday Goobihii gubtay ee Suuqa Xamarweyne(Sawiro)

XFRW (MMedia) Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” ayaa maanta barqadii waxa uu kormeer ku soo sameeyay saaka suuqa Xamarweyne ee magaalada Muqdisho oo xalay dab xoogan ka kacay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisan ku wehlinayay Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/qaadir Jaahweyn, Taliyaha Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye, Taliyaha Xooga Jen. C/qaadir Sh. Cali Diini, Abaanduulaha hay’adda Nabadsugida Qaranka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud AXmed Nuur Tarzan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu u kuurgalay qeybaha gubtay ee Suuqa wuxuuna mid mid u tegay dhamaan guryihii iyo bakhaaradii qudaarta ee gubtay, isaga oo ugu dambeyntiina la kulmay dadkii dhibanayaasha ahaa ee ay hantida ka gubatay.

“Dhibaatada uu dabkani dhaliyay ma yara, waana aragnaa baaxadiisa, waxaan Alle uga baryeynaa dadkii ku hanta beelay in Illaahey deg deg ugu badalo wax kheyr qaba, anagu ka dowlad ahaana wixii karaankayaga ah gacan ayaa ka geysaneynaa” ayuu ku yir dadkii dhibaatadu ka soo gaartay dabkaasi wuxuuna u mahadceliyay ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir isaga oo ku ammaanay sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa uga mahadceliyay ciidanka AMISOM sida ay uga qeyb qaateen daminta dabkan maadaama ay keeneen booyado dabdamis ah kuwaasoo si xoogan u rusheeyey.

“Ganacsatada Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa inay foojignaan badan ka sameeyaan oo ay ka taxadaraan waxyaalaha keeni kara sababaha dabka kiciya” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu isaga oo intaasina ku daray in dowladdu ii qiimeyn doonto baaxada hantida uu dabku baabi’iyay kadibna ay la kaashan doonaan cid kasta oo gacan ka geysaneysa sidii taakuleyn looga geysan lahaa khasaarahan.

Ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed  Cali Gaas waxa uu ka dalbaday Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo maamulka gobolka Banaadir in ay dib u dhiska suuqa ay qorshe cad u sameeyaan iyo jidad si looga fogaado inay soo noqdaan sababaha keena inuu dab ka dhasho suuqa.

Xigasho:Xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Comments are closed