Wararkii ugu danbeyey saaka iyo jiida dagaalka sooljoogto ee gobolka cayn.
BUHODLE(MMEDIA)wararki ugu danbeeyey ee dagalki deeganka buhodle ee gobolka cayn, ayaa waxa kasoobaxaya wararkala duwan oo ku aadan qasaaraha kadhacay degmada sooljoogto oo dagaal culuska socdey ilaa xalay.
Galinkii danbe ee shalay ayaa ciidamada soomaliland waxa werar kusoo qadeen ciidamada maamulka khatumo state ee dhawan deeganadaa loga dhawaaqay, dad goob joog ah ayaa sheegay inay dagaaladani looga qabsaday soomaaliland qaar kamid ah baaburta dagaalka iyo kuwa sahayda iyo gurmadka qaada.
Dagaalkan oo ahaa kuwo Mid aad uculus ayaa waxa la sheegayaa inuu ka dhacay qasaaro aad uweyn, oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo sogala gaarey dhinacyada dagaal ku udhexeyey.
Wariye kusugan buhodle oo qadka telphoonka ugu waramayey maakhir Media ayaa sheegay in ugu yaran 20-katir san ciidamada ssc ay dhinteen inta inka badana dhawacmeen, ayadoona ciidamada somaliland dadmayd ah goobta kagatey markii ayado dib loogu celiyey goobihi aymarkii hore fadhiyeen.
Inkasta oo aysan jirin qasaraha dhabta ah ee goobtasi kadhacay ayaa waxa dadka marqaatiyal ah ayxaqi jinayaan inay dagalada saka istagen ayna jiran hub urursi dhinacyadii dagaalka udhexeeyey,ayagoona gurmadyo kaladuwan isaga kala imanayaan.
Qaarkamid ah vidio laga sooduubay dagal ka ayaa kamuuqdey qaarkamid ah, gadidka dagaalka ciidamada somaliland oo lagubey,inkasto aysan jirin warar xaqiqo ah oo arintan ku’adan.
Todobaad yadii ugu danbeeyey ayaa colad kagtaagnayd gobolka cayn, ayagoona ciidanka soomaliland doonayaan inay gacanta kudhigan gobolka halka dadka deegaankana aydifaac kujiraan.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network Office news buhodle.
