|

QM oo sheegtay inbisha kanaayo lagarsiyo ,17,737-askari oo katirsan ciidamada AMISOM, si’ay ugu guulaystan amanka dalka.

NAIROBI(MMEDIA)QM ayaa codsaday in sida ugu dhakhsaha badan loo kordhiyo ciidamada amisom, ee kusugan magaalada muqdisho, si'ay usooceliyaan amanka magaalada muqdisho iyo dalka somaliya.

Mr. Mahiga ayaa tilmaamay in inta
lagu guda jiro bishan Janaury tirada ciidamada AMISOM laga dhigi doono 12-kun oo askari.

Silamarkana wejiga labad ee howlgalkana laga dhigi doono ilaa 17737-askari oo ka socda Midowga Afrika kana qeybb qaata howlgalka AMISOM ee ka socda Soomaaliya, wuxuuna Mahiga intaasi ku daray ku daray baaq uu u jeediyay hay’adda
caalamiga ah ee adduunka, waxaana uu ugu baaqay inay
xafiisyo ka furtaan magaalada Muqdisho sida xafiiska UNPOST siwax looga qabto xaaladda cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada midobey uqaabilsan soomaliya Mr, Mahiga ayaa
sheegay in inta ay joogaan magaalada Muqdisho ay si wadajir ah uga qeyb qaadan doonaan xalinta khilaafaadka
dowlada dhexdeeda ah kuwaasoo uu tusaale uga soo
qaatay arrinta Baarlamaanka udhex xeeya.

Waxana uu sheegay inay dhawaan wax
ka qaban doonaan, islamarkaasna aysan mar dambe indhaha ka daawan doonin
waxa ka dhex jira Baarlamaanka
Somaaliya oo uu sheegay inay yihiin wax aan loo bahneyn inwakhtigani khilaf kan siisocdo, ayna wax udhimayso qorshaha horumarka dowladda.

Maalintii doraad ee ay taariikhdu ku begnayd 24-Janaury-2012-
ka ayaa waxay Qaramada Midoobay si toos ah ugu
dhawaqday inay xafiisayeeda Muqdisho ugu soo warejisay maagalada Muqdisho, wuxuuna
arrinkanka dambeyay ka dib markii Xoghayaha guud ee
Qaramada Midoobay Banki Moon uu 9-kii bishii December ee
sanadkii 2011-kii booqasho taariikhi ah ku yimid magaalada
Muqdisho, markaas oo uu iclaamiyey in 25-ta Janaury ee oo shalay ku beegneyd ay si toos ah xafiisyadoodu uga shaqeyn donaan Muqdisho.

Sikastaba waxa hada kusugan magaalada muqdisho, ciidamada midowga africa oo dagaal kula jira xarakada al-shabab iyo kooxaha kasohor jeeda.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed