Shir jaraa’id oo u qabtay Xooghaya Xisbiga UDUB ayuu kaga hadlay halkii uu ka bilaabmay khilaafka soo kala dhexgalay xisbiga+Dhagayso
Podcast: Play in new window | Download
Dhagayso Codkii xogahayaha oo dhamaystiran
Hargaysa-MMedia-Xog hayaha xisbiga mucaaradka ee Uudb ayaa maanta shir jaraaid oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay khilaafka u dhexeeya labada garab ee xisbiga halkii uu ka bilaabmay iyo eedamyo kala duwan oo garabka kale usoo jeediyeen.
C/xaliim Muuse maxamed oo ah Xooghayaha Xisbiga ayaa ka sheekeeyay halka uu khilaafku ka bilaabmay isagoo sheegay in uu bilaabay Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga isla markaana u sheegay in uu ka gudbay ama ka dultalaabsaday sharciguu u yaalay xisbiga .
shirkan jaraa’id oo ku saabsanaa khilaafka waxa keenay iyo sidii loo kala qayb samay ayaa waxaa uu si aada ugu nuux nuuxsaday xisbiga iyo intii uu jiray waxaan uu tilmaamay in xisbgan jiray mudo 10 sano ah isla markaan loo baahnaa in uu noqdo halk ul oo wax lagu wada qabsado balse laga dhigay muran iyo khilaaf wada socda.
xogahaya ayaa sidoo kale sheegay in xafiiskiisi uu xidhnaa mudo 6 casho ah oo aanay soo shaqa tagin gabadhi u ahayd xog haynta isaga iyadoo haysay gabi ahaanba furayaashii xafiiska balse ay ka danbeeyeen in gabadhu aanay soo shaqa galin Gudoomiye kuxigeenka isgaoo sheegay in ay maanta jabiyeen xafiskii qalab badana ka waayeen isla markaan u gudbiyeen dacwad ka dhan ah qalabka la qaatay Police-ka .
isku soo wada xooriyoo khilaafkan u dhexeeya labada garab ayaa noqonaya mid sii xoogaysanay isagoo laysu adeegsanyo warbaahinta isla markaan cidiba cida kale eeda dusha uga saarayso.
Maakhir Media Hargaysa.


