|

Maxaadka lasocota sida uu udhacay howl galkih diyaaradaha maraykanka kuso furteen labada ajinabiga ah, gobolka galgaduud(xog dhab ah)

NAIROBI(MMEDIA(dadka rayidka ah ee kudhaqan magaalada cadado iyo deegano katirsan gobolka galgaduud ayaa ku warhelay xalay diyaaradaha qumatiga ukaca ee oo dhulka kusoodagay kadibna ayrasaas iswaydar saden dad afdub uhaystey laba shaqaale ukala dhashay USA,Iyo denmark.

Diyaaradaha ayaa waxa aydileen ugu yaran 5-katirsan burcad badeeda waxayna dhawacen tirkabadan ayagoo kabaan dowsta toos dhulka ugu soodgaen kadibna rasaas iswaydar sadeen kooxaha burcada.

Hawl galka oo laga fulliyeen Deegaanka Docoley oo qiyaastii 70km u jirta Magaaladda Cadaado ee Gobolka Galgadud,
waxay halkaasi ku dilleen tiro dhan sideed ruux, todobo kalana way ku dhaawaceen, halka tiro shan kalana nolosha lagu la’yahay.

Hawl-galladaan oo ay fulliyeen diyuuradaha dagalada ee Dowlada Maraykanka, ayaa
waxaa la-sheegay in ciidamaddii sarneyd ay dhulka u soo
deggeen, isla-markana ay
dagaalo fool ka fool ah dhex maray kooxaha burcad badeeda ee Somalida.

Hawl-galkaan ayaa waxay ku soo furteen haweyney u dhalatay
dalka Maraykanka iyo nin u dhashay dalka Denmark, oo laga
soo qafaashay Koonfurta Magaaladda Galkacyo, iyagoo
markaasi u shaqey naayay Hay’adda DDG ee laga lee-yahay
dalka Denmark, taasoo Maamulka
Galmudug ka saacideysay miina
baarista, iyadoo ay xusid mudan
tahay inaysan wax-yeelo soo gaarin labadaasi ruux ee
ajaaniibta ah.

Dhaawacyada adkaan ayaa waxaa la-soo gaarsiiyay Cisbitaalka Guud ee Magaaladda
Cadaado, halkaasoo xilligaan lagu dabiibaayo, iyadoo dhinaca kalana aysan weli wax wa ah ka
soo saarin Maamulka Ximin iyo Xeeb.

Masuuliyiinta Ximin iyo Xeeb ayaa waxay horey isaga fogeeyeen
inay cilaaqaad la-lee yihiin kooxaha burcad abdeeda ee Somalida, isla-markaana waxay
iska fogeeyeen ku lug
lahaanshaha labadasi ruux ee xoogga xalay looga furtay kooxaha burcad badeeda ee
Soomaalida.

Talaabadan oo ah tii’ugu horaysey tan iyo intii ayburcada bilaabeen afduubka dadka ajinabiga ah, ayaa waxay tahay markii ugu horaysey ee dhulka barinka kadhaca.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed