Madaxda ugu saraysa dowladda KMG ah oo bayaan kasoosay madaxtooyda village soomalia, kaasi oo ku ‘aadan dadka shacabka ah.
Nairobi(MMEDIA)Shirkaan ayaa waxaa ka soo
dhex muuqday Madaxweynaha
Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed,
Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/ Wali Maxamed Cali Gaas,
Gudoomiyaha Baarlamaanka Kmg
ah ee Soomaaliya Mudane Shariif
Xasan Sheekh aadan.
Waxa sidoo kale goob joogka ahaa Golaha
Wasiirada ee Xukuumadda, Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Dowladda Kmg ah ee Somaliye General Shariif Sheekhuna Maye, Taliyaha Ciidamadda Booliska ee Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Gaanshaanle Axmed Xasan Maalin iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Shirka ayaa waxay si weyn uga hadleen dadka deggan guryaha gaarka loo-lee-yahay iyo Xarumaha Dowladda, isla- markaana waxay sheegeen in dadkaasi ay iskugu jiraan laba
qeyb, kuwo xoog ku deggan iyo kuwa si qaxootinimo leh u
deggan.
Si guud dadkaasi ayaa waxaa muddo dhan 12 cisho loogu baqay inay uga baxaan, haddii ay taasi diidaan sida ay sheegeen ay ka qaadi doonaan tallaabo
adag, oo dadkaasi ku keeni kareysa inay ka shallaayaan.
Madaxweynaha Dowladda Kmg
ah ee Soomaaliya Mudane Shariif
Sheekh Axmed, ayaa wuxuu sheegay in muddo dhan 12 cisho
uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, General Shariif Sheekhuna Maye iyo Gaanshaanle Axmed Xasan Maalin, uu uga doonaayo in
dadkaasi ay uga saaraan xeelad
iyo awood wixii ay karaan, Xaruumaha Dowladda iyo guryaha gaarka loo-lee-yahay.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ahna Amniga Qaranka ee Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/Samad
Macalin Maxamuud oo goobtaasi hadal ka jeediyay, ayaa wuxuu
sheegay in uu ka dhamaaday samir oo idil, isagoo sheegay
inay awood adeegsan doonaan haddii dadka ay 12 cisho uga bixi waayan dhismayasha, sida uu yiri.
“Dowladda waa uu ka dhamaday dul-qaadkii ay u laheyd dadka
deggan Xaruumaha Caamka iyo kuwo Dowladda, isla-markaana xoog loogaga saari doono haddii ay u dhaga nuglaan waayaan
go’aanka ka soo baxay
Dowladda”, ayuu yiri Mudane C/
Samad.
Shirkani xalayka kadhacay xarunta madaxdooyada village somaaliya ayaa ahaa mid aancaadi ahayn, waxana sidoo kale loogahadlay dhanka amaanka iyo sugida aminiga muqdisho.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
