Kulan kusaabsan wacyi galinta Dimuqraadiyada oo Bossao lagu qabtay.
Bossaso (MMedia)Kulan balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Gobolka Bari iyo Gudiga kumeel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Bossaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Kulankaani oo ka dhacay Xarunta Dawlada Hoose ee Magaalada Bossaso ayaa waxaa goob jog ka ahaa Xubno katirsan Gudiga Doorashada Dimuqraadiyada Punt land , Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Max’ed Gallan , Ururada Haweenka Dhalinyarada iyo Qaybaha Kale ee Bulshada.
Kulanka oo lagasoo jeediyay hadalo kala gadisan oo kusaabsan Dimuqraadiyada ayaa waxaa ka hadalay Barkhad Cali Saalax oo ah xubin kamida Gudiga kumeel gaarka Doorashooyinka Punt land waxaana uu sheegay in ujeedada kulankaani ay tahay sidii Bulshada loogu wacyi galin lahaa Bulshada qaadashada Dimuqraadiyada iyo in laga gudbo nidaamka waxkuqaybsiga Gabaail.
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadalay Sh.C/razaaq Xuseen oo sheegay in dad badan ay Dimuqradiyada waxkale ka aamin sanyihiin waxaa uuna tilmaamay inay diinta oo dhan soo marayaan Dimuqraadiyada ay kabooodayaan waa sida uu hadalka u shigaye.
Waxaa uu sidoo kale sheegay Sh.C/razaaq in Dimuqradiyadu ay leedahay wax xun iyo wax san ayna atahay inay kaqaataan inta wanaagsan ee diinta waa faqsan wixii diinta khilaafsan ay iska dhaafaan oo aysan ku mashquulin.
Midkamida Culimada khilaafsan Dimuqraadiyada oo isaguna ka hadlay Kulanka ayaa waxaa uu sheegay in Dimuqraadiyadu ay tahay wixii Soomaaliya lagu burbiraiyay ayana kujabeen lixdameeyihiin iyo tidobaatanaadkii waxaana uu intaasi raaciyay inay mudnaanta koowaad leedahay in la iswaydiiyo cida kashaqaynaysa Dimuqraadiyada inay Ehel uyihiin Diinta aqoonta Islaamiga ah ay yaqaanaan.
Gaba gabadii kulanka ayaa waxaa soo xiray Gudoomiyaha Gobolka Bari C/samad Max’ed Gallan oo sheeagy inaysan cidan marti uga ahayn ku dhaqanka dimuqradiyada cidii ka hortimaadana ay gacan bira kuqabanayaan.
Kulankaani oo ahaa mid wacyi galin oo kaliya ah ayaa waxaa lagu qaban doonaa Dhamaan deeganada Punt land iyadoo Magaalada Qardhana lagu qabtay kulan kan lamida waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay ee noocaan oo kalaa laguna qabtay Magaalada Boosaaso waxaana uu kusoo gaba gaboobay jawi xamaasadeed oo Buugaagta Dastuurka lagu qaybiyay.
Cabdiraxmaan Sanka.
Maakhir Media Office News in Punt land.
c.raxmaan.sanka@gmail.com
cabdiraxman_b@hotmail.com
