Masar oo kasoowaq sanaysa xalada deg dega ahaa ee wadanka kujirey mudada aadka udheer.
NAIROBI(MMEDIA)Hogaamiyaha Golaha Militeriga Masar ee dhawan nahanba Hogaanka u hayay Xukunka Dalkaasi Maxamed Xuseen Tantaawii ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay dhamaaday qayb ka mid ah xaaladii Dag Daga ahayd ee ay dalkasi uu ku jiray mudada aadka dheer.
Muxamed Xusen Tantaawi ayaa shegay in Masar ay iminka ka baxayso xaaladii Dagdaga ahayd ayna u gudbayso xaalad degenaansho,mudo ka badan 30-sano kadib.
Tantaawii ayaa hadalkan sheegay maalin ka hor munaasabad lagu xusaayay bilowkii Kacdoonkii dalkaasi kadhacay ee meesha looga saaray Madaxweynaha la maxkamadaynayo ee Xusni Mubaarak,oo maanta ka soconaysa.
Hadalkaan oo qaab Bayaan ah uu ku shaaciyay Tantaawii TV-ka qaranka Masar ayaa intaasi ku daraya in qaadista xaalada dagdaga ah ay tahay mid qabyo ah islamarkaana dhawaan la filaayo in Xukunka ay militeriga dalkasi wareejiyaan, talaabadani oo aysodhaween dadka masar.
Parlamaanka dalka masar ayaa sheegay inay tahay talabadani midsiweyn wax uga badali karta xalada uu dalka kujiro,iyo kacdonka shacabka oo mudaharaado isdaba jooga kadhigay dalka.
Mohamed Abdulahi Khalif(shine)
Maakhir Media Network.
