Kulan looga hadalayay aragtida Bulshada ee Duqmuqradiyada oo Garowe lagu qabtay(Sawiro)
Garowe (MMedia) Kulankaani oo looga hadlayay aragtida Bulsha wayntu ay ka aaminsantahay ama ay kaqabto geedi socodka Dimuqraadiyada ayaa waxaa lagusoo gaba gabeeya Magaalada Garowe ee Xarunta Punt land.
Kulankaani oo uu soo qabanqaabiyay Ururka aan Dawliga ahayn ee PUNSAA loogana hadalayay aragtida dadwaynaha ee Dimuqraadiyada ayaa waxaa kasoo qayb galay Musuuliyiin sar sare oo katirsan Puntland , Masuuliyiinta Ururka PUNSAA iyo waliba qaybaha kale ee Bulshada.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Puntland Maxamed Xassan Barre oo ka hadlay kulankaan ayaa waxaa uu mahadnaq u jeediyay PUNSAA, waxaaa uu sheegay in ay wadashaqayn leeyihiin iyadoo uu tilmaamay inay waajib kutahay hadii ay yihiin Gudiga Doorashada Puntland inay Dadwaynaha gaarsiiyaan Dimuqraadiyada oo ay shacabku kusoo dooranayaan marka lasameeyo Xisbiyada badan.
Dhanka kale waxaa uu sikooban uga hadalay waxyaabaha looga fadhiyo Gudiga Doorashada Punt land isagoona sheegay in kulankaani uu waxtar uleeyahay Bulshada ku dhaqan Punt land.
Xog hayaha Ururka PUNSAA Faadumo Ibraahin Malta oo iyana ka hadashay kulanka ayaa waxaa ay sheegtay in ujeedka kulankaani uu yahay in la ogaado Bulshada iyo fikirkooda ku aadan Dimuqraadiyada iyadoona inataasi raacisay in loobaan yahay in ay dadku isku waydaarsadaan afkaartooda ku wajahan DImuqraadiyada.
Faadumo Waxay sheegtay in Dimuqraadiyada la doonayo inay ka dhaqan gasho Puntland ay ku salaysan tahay Diinta Islaamka waxaana ay hadalkeeda raacisay in qof walba uu xor unoqonayo inuu cabiro fikirkiisa ayana dooran karaan ciday rabaan xiliga Punt land ay galayso Nidaamka Xisbiyada badan.
Cabdi Xassan Jimcaale Wasiirka Dastuurka Puntland oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa waxaa uu sheegay in dimuqraadiyada loobaahan yahay in dadwaynaha lagu wacyi galiyo sidii ay diyaar ugu noqon lahaayeen isagoona dhanka kale ka hadalay waxa ay dimuqraadiyafu tahay sheegayna inay ka kooban tahay labada eray ee dome iyo karadis oo ah (demo) dadweynaha (karaadis )oo ah Xukunka shacabka.
Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo isna halkaasi hadal micna wayn leh kasoo jeediya ayaa waxa uu sharaxaad ka baxshay Dimuqraadiyada iyo inay jiraan dadka qaar dacaayado ka sameeya dimuqraadiyada ayna dimuqraadiyadu tahay dustuur dastuurkuna uunoqonayo mid Diinta Islaamka ku salaysan.
Sikastaba ha ahaatee kulankaani ayaa waxaa imaanayaa xili Punt land ay usii tafa xaydanayso sidii ay uga bixi lahaayeen nidaamba waxkuqaybsiga qabaail ayna uga gubayaan dimuqraadiyada iyo Nidaamka Xisbiyada badan.
Cabdiraxmaan Sanka.
Maakhir Media Office News in Punt land.







