Maamulka G.Mudug oo Hay’adaha Gobolka lakulmay(Sawiro+Dhagayso)
Podcast: Play in new window | Download
Galkacyo (MMedia) Maamulka Degamada Galkacyo iyo Gobolka Muduga ayaa waxaa uu kulan laqaatay hay’adaha ka hawl gala Gobolka Mugud.
Kulankaani ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Gobolka Maxamed Yuusuf Jaamac , Guddoomiye Kuxigeenka degmada Gaalkacyo Cabdixamiid Warsame Cilmi , Masuuliyiin kasocota qaar kamida wasaaradaha Punt land iyo hay’adha Ka hawlgala Gobolka oo ay kamid yihiin Maxaliga ah sida HORN RELIEF iyo ISLAM RELIEF iyo kuwa Q.M.
Maxamed Yuusuf Jaamac (Tiigey) Gudoomiyaha Gobolka Mudug oo kulankaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada kulankaani ay ahayd in sidii sanadkaan cusub Gobolka shaqadiisu ay noqon lahayd ayana uwada shaqayn lahaayeen Maamulka Gobolka iyo Hay’adaha Q.M iyo kuwa kalaba.
Dhanka kale Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka dahadlay Amaanka dad barakacayaasha ah waxaa uuna sheegay in hay’adha looga baahan yahay inay sugaan amaanka muhiimada koowaadna ay tahay amaanka maadaama amaan la’aan aysan waxba qabsoommayn
Gudoomiyaha oo la hadlayay Hay’adaha ayaa waxaa uu sheegay in looga baahan yahay inay soo gudbiyaan wax qaboodkooda loogana baahan yahay in shaqa walba xiliga ay bilaabatay iyo markay dhamaatayba riboodkeeda laga rabo oo ay soo gudbiyaan.
Cabdixamiid Warsame Cilmi Guddoomiye Kuxigeenka degmada Gaalkacyo oo isaguna kulanka ka hadlaya ayaa waxaa uu uga mahad celiyay Hay’adaha ka hawl gala Gobolka sida wanaagsan ee ay shaqadooda ugutaan wuxuuna sheegay in mar kasta loo baahanyahay in la lala shaqeeyo Hay’adaha si loo gaaro horumar iyo Nabadgalyo.
Xisaabiyaha Wasaarada Maaliyada ee gobolka mudug Siciid Cali Yuusuf oo halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ay wasaaradu la shaqaynayso Hay’adaha Maxaliga ah iyo kuwa Q.M waana uu tilmaamay inay wada shaqayni ka dhaxaysay.
Waxaa uu dhinaca kale sheegay Siciid inay jiraan Hay’ado uu tilmaamay inay si sharci aan ahayn kujoogaan dalka ayna ku kacaan mashaariic aanay maamulka hor gayn.
Kulankaani oo Maamulka Gobolka Mudug uu daba gal kusamaynayay waxqabadka hay’adaha faraha badan ee ka hawl gala deegaanada Punt land gaar ahaan Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo gaba gaboobay jawi dagan.
Cabdiraxmaan Sanka.
Maakhir Media Office News in Punt land.










