|

Haweenay samaysay tuugo nimadii ugu layaabka badnayd,ee aduunka kadhacda(layaab)

LAYAABKA DUNIDA(MMEDIA)waxaa dhacdadii ugu layabka badnayd aduunka aydhawan kadhacday wadanka koonfur africa,kadib markii haweenay tuugo ah labaxday ilmo uurka hooyadi kujira.

Naagtan tuugada ah ayaa waxa ay'isku dayday inay haweney uurleh ayka labaxdo ilmaha uurka ugu jira kadibna ayqadato ayadoona dhacda dani ay iskudayday haweenay dan inkasta oo aysan ku guulay sanin.

Loretta oo ahayd hawenaydi uurka
laheyd waxay mindi ka galisay caloosha iyadoo jeexdey in door ah ka dibna waxay caloosha kala
soo baxdey ilmihii aan dhalan, iyadoo dhawacidii mindida ay u geeriyootey haweenadyii.

Haweenaydan falkani kudhaqaqday ayaa ilmihii oo dhaawac madaxa ka soo gaarey caloosha kalabaxdey ayaa deg deg u tagtey
goob caafimaad si ay ugu hesho gargaar dhanka caafimaadka
dhaawaca ilmaha, hase yeeshe tuhun ku dhashay shaqaalaha
caafimaadka.

Waxayna sameeyen baadhitaan sababay in haweenaydaasi warkeeda Booliiska loo gudbiyo, waxaase
nasiib laheyd in warka ilmaha
caloosha hooyadiis lagala baxay ay Booliisku daqiiqado ka hor heleen taasi oo keentey in gacanta lagu dhigo hawenaydi
falkaasi foosha xun geysatey.

Haweenayda tuugada ah Loretta Cooke oo la soo tagay maxkamada Randfontein Mgistrate Court waxaa dacwad
ku oogayaashu dalbadeen in loo
sii hayo ilaa iyo inta baaritaan buuxa ay soo kordhinayaan,
iyadoo hawenaydaasi lagu hayn doono xabsiga ilaa iyo 7-da
bisha February ee soo socota.

Booliiska waxaa loo soo sheegay
in haweenay lagu magacaabo Valencia Behrens oo 34 sano jir
ah ay ku sugan tahay gurigeeda iyadoo ku dhex jirta daad dhiig
ah, isla markaana ay xaaladeeda ka warheleen dadka dariska ah, iyadoo markii ay Booliisku
yimaadeen gurigii dhacdadu ka dhacdey ay ka heleen meydka
haweenayadii ilmaha
caloosheeda lagala baxay.

Appel Ernest oo ah afhayeenka Booliiska deegaankaasi ayaa
sheegay in dhacdadan oo mid mucjsio ah oo ku cusub aybaritaan ku hayaan, isla
markaana qabashada
haweenayda dilka geystey ay gacan ku siiyeen shaqaalaha
rugta caafimaadka.

Waxana dhacdadan aynoqotayta ugu hadalhaynta badan dhanka warbaahinta waxana iswaydin mudan, inta lagu xukumi karo hawenay dani samaysay falkan oo isugu jira dilka iyo tuuganimada.

Boolice-ka gacanta kuhaya liiska arintani ayaa codsaday inay ehelada haweenayda dhimatay ka war sugaan inta ayxukun ka karidayaan.

Mohamed Abdulahi khalif(shine)

Maakhir Media Network.

Comments are closed