|

Xafiiska Qaramada Midoobay oo Muqdisho laga furay(Sawiro)

XFKS(MMedia) Xafiiska qaramada midoobaya ayaa waxaa maanta si rasmi ah waxaa looga furay caasimada soomaaliya ee muqdisho.

Uqaabilsanaha qaramada midoobay arimaha Somalia mahiga ayaa waxaa uu soo gaaray maanta magaalada Muqdisho iyadoo uu soo dhaweeyay Raisul wasaare C/wali Max’ed Cali(Gaas) waxaana uu kulamo laqaatay Madaxweynaha Somalia Sh.Shariif Raisul Wasaare C/wali iyo waliba masuuliyiin kale oo katirsan madaxda Dawlada Somalia.

Mahiga ayaa waxaa uu gudoonsiiyay Madaxweyne Shariif Waraaqda furitaankja Xafiiska Un Boss Madaxweynuhu waa uu ka gudoomay  waxaana uu uga mahadceliyay Q.m go’aankaan ay qaateen ee ku dheehan geesinimada uuna xafiiskaani ahmiyad wayn ugu fadhiyo Umada Soomaaliyeed.

Dhanak  kale Raisul wasaare C/wali oo isaguna ka hadalay Munaasaba lagu furayay Xafiiska Q.M ee Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in furitaanka Xafiiska ay kusuura gashay Ciidamada xooga dalka Soomaaliya oo iyagu si geesinimo leh Al-shabaab iga saaray Magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Mahiga oo isaguna goobta ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Xafiiska Q.M kasoo guuray Dalalka dariska ah uuna si rasmi ah uga hawl gali doona Magaalada Muqdisho.

Xafiiska qaramada midoobay ayaa waxaa uu gabi ahaanka kaguuuray dalka Soomaaliya kadib 1995 taasi oo ay sabab u ahayd dalka oo aan xaaladiisu mid dagan ahayn waxaana uu haatan dib uga furmay 16 sano kadib sida uu sheegay Mahiiga.

Sikastaba ha ahaatee waxaa su’aasha is waydiinta mudani ay tahay waxa uu soo kordhinayo xafiiskaan dib looga furay Dalka gaar ahaana Magaalada Muqdisho?

Maakhir Media Xafiiska koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed