Seedib loogu socelin karaa kalsonida lamaanaha kalaharay inay dib isugu sonoqdan.
QORMO(MMEDIA)Waa ay adag tahay in laba lamaaane ee kala go`ay dib isugu soo laabtaan haddii aysan jirin isku dayo ka imaanaya labada dhinac oo ku aadan in dib u dayactir lagu sameeyo xariirkii .
Hadaba hadii la doonayo in dib loo yigleelo xariir uu mad- madoow uu so galay waxaa haboon in laga taqalaso sababihii hore ee keenay kala go`idda , hadaba waxa ladin sinaya talo ku siineysa .
Si Gaabis ah u dhaqaaq: waa ay ku adag tahay haweenka in ay mar kale u dhawaado gacaliye ay kala hareen balse waxaaa kula gudboon gabaryaheey in si tartiib ah u bilaawdo xariirka hana qaadin wax talaabo ah adiga oo aan in badan ka fikirin. Arimaha si kala duwan u fiiri.
hadiigacaliyahagii uu kaa codsado in mar kale xariirkiina dib ugu laabataan waxaa waajib kuugu ah in arimaha aad u fiiriso qaab ka duwan tii hore , ka soo bilaaw eber ama sakxada hoose, iskana laab baalkaasi madoow ee aad soo martay si xariirkaan cusub uu u mira dhalo.
Ka Run Sheeg Naftaada Oo Daacad Ka Ahaaw:kana fogoow wixii adku kala tagteen inay dib udhacaan,sababto ah hadii wixi awalba adku kala tagteen uu imaado waxa cusubonanaya khilaf kale oo aminada mesha kasaara.
Intabadan waxa ugu weyn ee lamaanaha kala geeya ayaa ah, kasoonixumo, iyo wixi aad kuheshiseen oo ananlaga run sheegin.
Jaceylka waxa ugu weynd ee udubka unoqda ayaa ah, kalsoni,daacad iyo xushmad labada nafood isuqabaan.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network.
