Xafiiskii QM ee Somaaliya oo Goor dhow xadhiga laga Jaridoona Muqdisho
Muqdisho-MMedia-Waxaa maanta magaaalada Muqdisho laga furidoonaa Xafiiskii ugu waynaa ee Somaaliya ku yeelato QM mudo labaatan sano kadin iyadoo laga furi doono xarunta AMISOM ugu wayne ee ay ku leedahay isla magaalada Muqdisho.
Wararka naga soo gaadhay magaalad aayaa sheegaya in qaban qaabadii ugu danbasyay ee lagu furi lahaa xafiiskaasi ay socoto iyadoo u joogo Xoghaya u qaabilsan QM aSomaaliya Agostin Mahiga isagoo furi doonaa xafiiskaasi isaga iyo madaxwaynaha Somaaliya Shiikh Shriif .
Amaanka ayaa si wayn loo hagaajiyay iyadoo ay daafaha xafladu ka dhacayos u taagan yahy ciidan waxaana si aad loo baaadhay dadka soo galay goobta ay ka dhacayso munaasabadu ,sida sheegayaan wararku waxaa ka soo qayb galaya Ergooyin caalamka ka socda .
Sikastaba Goor dhow ayaa la furi doonaa xafiiska QM ay ku yeelan doonto Somaaliya iyadoo ay Sidoo kale xafladda xarigga looga jarayo xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa waxaa ka soo qeyb galaya dhammaan hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida kuwa gargaarka, Caafimaadka, bini’aadannimada iyo kuwa kale.
Maakhir Media Muqdisho.
