|

Yuhuuda oo weeraro is dabajooga kusoo qaaday Qaza.

Qaza (MMedia) Weerara isdaba joog ah ayaa waxaa ay ciidmada Israel ee yuhuuda ay kusoo qaadeen jiida qaza .

Weeradaani oo gaaraya ilaa iyo afar isku day oo weeraro ah ayaa waxaa ay ciidma yuhuudu kusoo qaadeen magaalada la yiraahdo bayt xaanuun oo kutaal waqooyiga qaza iyadoo ay wararkuna sheegayaan inaysan wax khasaare ah gaysan.

Wararka ay shwwgayaan wargaysyada falastiiniyiinta ayaa waxaa ay kusheegeen in ciidama yuhuuda ee guumaysiga kawada qaza ay diyaarado kuduqeeyeen koox kamida muqaawamada dalkaasi iyadoo wararkuna ay intaasin ku daryaan inay sadex gantaal ku ganeen tuulada u dhow qaza oo ay muqaawamadu kusugnaayeen.

Dhanka kale kooxdii ka tirsnayd muqaawamada ayaa ka badbaaday weerarkaasi ay soo qaadeen ciidamada yuhuuda ee guumaysta dadka falastiiniyiintaa.

Diyaarahada ciidama Israel ee yuhuuda ayaa waxaa ay duqeeyeen tal aldaacuur oo ah meel banana oo aysan cidina daganayn iyadoo latilmaamay in diyaarahada ciidamada yuhuudu ay duqeeyeen goob kale oo iyana aanan la dagayn oo dhanka koonfureed ka xigta magaalada khaaniyuunas.

Khaaniyuusan ayaa waxaa ay ciidama yuhuudu duqeymo kagaysteen goobo beera ah oo magaaladaasi dhanka koonfureed kaga began.

Ciidmada yuhuuda ayaa waxaa caada u ah inay iska duqeeyaan goobaha daaqsinada ah iyo beeraha ee ay leeyihiin dad falastiiniyiintaa.

Maakhir Media world news.

Comments are closed