|

War dag deg ah: Qarax Baladweyne ka dhacay.

XFKS (MMedia) Wararka ka imaanaya Magaalada Balaweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay kusoo waramayaan  in qarax xoogan uu ka dhacay saldhig ay ciidamada Itoobiya kuleeyihiin Magaaladaasi.

Qaraxaan oo uu gaystay naftii hure katirsan Al-shabaab ayaa waxaa ay wararku sheegayaan inuu gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa uu bartanka ugalay saldhiga ciidamada itoobiya ee kusugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qaraxaani oo jugtiisa laga maqlay dhamaan daafaha Magaalada oo lala eegtay saldhig weyn oo ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin xarunta gobolka ee Bariga magaalada ayaa waxaa ay ciidamadu fureen xabad aan kala joogsi lahayn kadib markii uu qaraxu dhacay.

Qaraani oo noqonaya qarixii labaad oo isna la ogyahay ay Al-shabaab kagaysteen Magaalada baladweyne ayaa waxaana laga hayn faah faahin dheeri ah.

Maakhir Media Xafiiska Koonfurta Soomaaliya.

Comments are closed