|

Siminaar Malgashiga Islaamiga ah kusaabsana oo bossaso kusoo gaba gaboobay(Dhagayso)

Play

Bossaso (MMedia) Siminaarkaan oo kusaabsanaa Maalgashiga Islaamka islamraakana soconayay sadex maalmooh ayaa waxaa uu maanta kusoo gaba gaboobay Magaalada Bossaso ee Xarunta Ganacsiga Punt land.

Siminaarkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay Ganacsato Masuuliyiinta ugu saraysa Rugta Ganacsiga Punt land , Bangiga Dahabshiil iyo Culimaa’udiin iyadoo gabagaba siminaarkaana ay Saxaafada goob joog ka ahayd.

Maamulaha Bangiga Dahabshiil oo ka hadlay Munaasabada ayaa waxaa uu ubalan qaaday ganacsata kuleh acconada Bangiga Dahabshiil inay soo kordhin doonaan adeegyo casri ah muhiimna u ah ganacsata.

Dhanka kale waxaa isna hadal kasoo jeediyay Sh.C/razaaq

Xuseen Ciise oo ka mid ah culimada waawayn ee deegaanada Puntland waxaa uuna ka hadlay Muhiimada Siminaarkaan uu uleeyahay Umada Soomaaliyeed gaar ahaana Ganacsata waxaa uuna sheegay in ay wadamo badan oo islaama ay ku dhaqmaan Habka ganacsiga islaamiga ah tanina ay noqonayso guul usoo hoyatay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

Munaasaba oo hadalo badan lagasoo jeediyay ayaa waxaa kamida ahaa dadkii ka hadlaay Suldaan Maxamed Ciise (Geel-xoor) , Bile Cabdilaahi oo kamid ah ganacsatada , Maamulaha Bankiga Dahabshiil Yaasiin Xaaji Cabdilaah.

Ugu danbayna waxaa soo xiray Gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga iyo wershedaha Puntland Maxamed Caydiid Jaamac waxaa uuna sheegay in siminaarkaa uu yahay mid jawi cusub ufuray Ganacsata Punt land uuna soo kordhiyay inay kuxirmaan Caalamka intiisa kale oo ay caqabad kataagnayd ayna aad ugu faraxsan yihiin sida Bangiga Dahabshiil uu dadaalkaasi ugu jiro.

Dhanka kale waxaa uu kubooriyay Gudoomiye kuxigeenka rugta ganacsiga Maxamed Caydiid Jaamac Ganacsatada inay lashaqeeyaan cid walba oo ka shaqaynaysa Horumarka Dalka.

Sikastaba ha ahaatee Siminaarkaan oo ay soo qabanqaabiyeen Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Punt land iyo Bangiga Dabashiil Bank.

Cabdiraxmaan Sanka

Maakhir Media Office News in Punt land.

Comments are closed