|

Raysal wasaare Gaas oo maanta la kulmay Wafdi uu Hogaaminayo Safiirka Somaaliya ee Dalkaasi Ingriiska

Muqdisho-MMedia-Waxaa manta Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kasoo dagay  Wafdi ka socda dowladda Ingariiska oo uu hoggaaminayay safiirka dowladdaasi u qaabilsan arimaha Soomaaliya Mike Boo waxaana la socda wafdigaasi safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyadoo ay soo dhawayeen wafdi balaadhan oo DKMG oo ugu Horeeyo Raysal wasaaraha C/wali maxamed Gaas.

Kadib waxa kulan ay la yeesheen wafdigii ka socday dawalda wadankaasi Ingriiska ayRaysal wasaaraha Somaaliya Mr Gaas iyagoo kawada hadlay xaalada dalka iyo xidhiidhka labada dal .

Mudane C/we oo ay saxaafaddu wax ka weydiisay hadal baryahaan la’isla dhex marayay oo ku aadan in uu Somaliland u saxiixay lacag dhan Sadex Milyan oo dolarka mareykanka ah oo logu hir galinayo mashruuc biya loogu galinayo Somaliland ayaa ku jawaabay.

“Dowladdu waxey ahmiyad siineeysaa horumarinta gobollada dalka sidaasi darted Soomaalilandna waxaa uu ka mid yahay Maamulada  dalka sidaasi ayaana u saxiixay mashruuca uu wado bangiga horumarinta Africa”ayuu yiri R/wasaare C/weli.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Golaha wasiirada Hortooda ka sheegay in uu Somaliland u saxiixay Mashruuca biyo galinta islamarkaan uu waday Bangiga Afrika  .

Wafdigan balaadhan ee manta yimi oo ka socday dalka ingriiska ayaa ahaa kuwo doonayay in ay u kuur galaan xalada wadan ka Somaaliya iyo sidii uu dawlada ingriiska uga qayb qadan lahayd Xaalada Bini Aadanimo ee dalka sidoo kale wafdigan imaashihiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo dawlada wadankasi ay ku baaqday shir Somaaliya looga hadlayo in uu ka dhaco wadanka ingriiska.

Maakhir Media Muqdisho

Comments are closed