|

Shukri Xaji Ismail oo Soo gaadhay Magalada Hargaysa kadib marki ay ku gulaysatay Bilad caalami ah+Dhagayso

Play

Hargaysa-MMedia-Shukri Xaaji ismaaciil Bandarle oo ah madaxa hayada Kandalaay ee somaliland ayaa manta Si diiran loogu soo dhaweeyay Cigaal International Airport ee magaalada Hargaysa  waxan soo dhaweynteed ka ka Qayb qaatay Xubno Wasiiro ah  Madaxda Xisbiyada iyo Masuuliyin ka socday hayada Xuquuql in aasnka iyo shaqsiyaad Caanka ah Somaliland.

Shukri ayaa waxa ay dhawan ku guulaysatay abaalmrinta uu bixiyo Ururka Xasaradaha Aduunka oo loo yaqan ICG oo uu gudonsiiyay Maxadweynihii Hore ee wadanka Mareekanka Bin kilitoon  iyadoo  abaal marintan ku heshay horumarinta waxbarashada iyo deegaanka .

intaasi kadib ayaa waxa ay shukri umahad celisay dhamaan Dadkii halk ku soo dhaweeyay waxan ay ka warbixisay Safarkedi ay ugu maqneed dalka mareekanka “waxaan ku maqnaa dalka maraykanka waxaana laygu yeedhay abaal marintan aan ku guulaystay oo guul u ah Somaaliland iyo shacabkeedaba waxaan aan aad ugu faraxsanahay sida aad isoo dhawayseen “Sidaasi waxaa tidhi Shukri xaaji Ismail.
Sidoo kale waxa goobta ka hadashay Dr Adno oo sheegtay in ay aad usoo dhawaynayaan Shukri madaama ay tahay aqoon yahanada kuna guulaysatay bilad  caalami ah iyadoo guul usoo hoysay Somaaliland.

Masuuliyiin kale oo halkaasi ka hadhay ayaa si aad usoo dhaweeyay  Shukri iyagoo aad xugu faraxsanaa sida ay  ugu guulaysatay bilada caalamig ah ee uu gudoonsiyay Madaxwaynihii wadankaasi Maraykanka ee Bilikilenton .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Kaluumaysiga Somaaliland Mr Geel jire oo isna sheegay in uu aad ugu hamabalyaynayo Shukri madaam ay  ku gulaysatay Bilad caalami ah  dalkeedana ku soo laabatay.

Waa marki ugu horeysay ay gabadh reer  SL ay ku guulaysato Bilad caalami ah oo noocan oo kale iyadoo ay shurki ku guulaysatay Horumarinta iyo dhaqalaynta deegaanka iyadoo sidoo kalena madax u ah Haayada Candalate ee Somaaliland.

Mahad Cabdi Cali

Maakhir Media Head Office Hargaysa

 

Comments are closed