Dowladda KMG ah oo sheegtay inlasiwado duqeymaha hogamiyaasha ajinabiga ee kusooduley dalka soomaaliya.
muqdisho(MMEDIA)warka soobaxay Dowladda Soomaaliya ayaa lasheegay inlasoo dhaweysay dilka Sabtidii Deegaanka Siinka dheer ee duleedka Magaaladda Muqdisho loogu geystay Bilaal Albarjaawi, ayaa waxay daboolka ka qaaday inay sii socon doonaan duqeymaha xoogan ee xilligaan ku soconaaya.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay horey Wadamada horumaray codsaday inay duqeymo xoogan ka geystaan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo markaasi lala beegsanayo Sarakisha Al Shabaab iyo Al Qaacida.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane C/ Qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay inay tahay guul usoo hoyatey shababka soomaaliyed.
“Siidii”, oo maanta warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay sii socon doonaan duqeymaha xoogan ee lagu garaacaayo Gobolka Shabeellaha Hoose.
Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in duqeymaha lala beegsanayo Sarakisha Al Shabaab, kuwaa oo uu xusay inay ku soo dullen dalka Somaliya, balse wuxuu carabka uu ku adkeeyay in dalka Soomaaliya laga sifeyn doono.
Gudoomiyaha ayaa sheegay inay tageeri doonan duqeymo kasta oo kadhan ah ururka al-shabaab iyo ajinabiga kusoduley dalka somalia.
Mohamed Abdulahi khalif(shine)
Maakhir Media Network,
