|

War deg deg ah : Dagaalo Gode ka bilowday.

XFKS(MMedia) Dagaal culus ayaa daqiiqado ka hor ka qarxay duleedka magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo oo bilihii lasoo dhaafay ay gacan ku heyntiisa lahaayeen ciidamada Itoobiya.
War daqiiqado ka hor nagasoo gaaray Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamada Al-shabaab ay weerareen saldhigga Ciidanka Itoobiya ee duleedka magaalada waxaana socda dagaal jugtiisa laga dareemay Bled Xaawo iyo Mandheera.

Mid kamida dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaaladu yihiin kuwo laba jiho oo Beled Xaawo katirsan ka socda, ciidan Al-shabaab katirsan ay Itoobiyaanka kula dagaalamayaan wadada dhanka Garbahaarey aadda halka Malkaariyeey ay iyana dagaallo ka socdaan.

Warar Hordhac ah waxay xaqiijinayaan in raacii hore ee ciidanka Itoobiya lagu jebiyay wadada aadda dhanka Garbahaarey.

Dagaalku weli waa uu socdaa wixii soo kordha waan soo sheegi doonaa Insha’allaah.

Maakhir Media Xafiiska Koonfurta Somalia.

Comments are closed