Waftigii Somaliland oo Dhahar Lagu Soo Dhaweeyay+Sawiro
Dhahar (MMedia): Wafdi balaadhan oo uu hogaaminayo wasiirka hormarinta deegaanka iyo arimaha reer miyiga ee S/land ayaa maanta waxaa si heersare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Dhahar. Wasiirka ayaa waxaa socdaalkiisa wehelinayay Gen. Ceydiid Axmed Nuur oo ah taliyaha ciidanka Booliska Gobolka Sanaag, Duqa Magaalada Dhahar ee Somaliland, iyo Waliba Siyaasi Axmed Aadan Gurey ahna madaxa Dhahar Construction oo isla markaana barnaamijyo badan ka fuliyey degmada Dhahar.
Wafdigan ayaa waxaa magaalada banaankeeda kaga horyimid shacab iyo ciidamo aad u fara badan iyagoo si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey ayaa waxay waqti kooban kula hadleen isla markaana u sheegeen in ay u yimaadeen magaalada sidii ay nabada iyo hormarka gobolka u xoojin lahaayeen. Wasiirka Deegaanka iyo Hormarinta Reer Miyiga Dr. Maxamuud Siciid Gacmey ayaa sheegey in ay joogayaan maalmo isla markaana ay la shiri doonaan shacabka reer Dhahareed isagoo aad ugu mahad celiyey sidii ay usoo dhaweeyeen.

Axmed Aadan Gurey ayaa u sheegey in ay u yimaadeen sidoo kale dhisida Maxkamada Derejada Koowaad, Iskool, iyo waliba Garoonka kubada cagta, maadaama ciyaartooyda kooxda Dhahareed ay soo hoyeen guula badan sanadihii ina weydaartey isla markaana ay yihin kuwa heersare kubada cagta ka gaarey. Axmed ayaa sheegey in mashaariicdan ay qaarna ka heleen hay’ado qaarna ay dowlada Somaliland ugu deeqday.

Sidoo kale waxaa goobtaasi ka hadley Nabadoonada ugu caansan gobolka iyagoo sheegey in ay si diiran usoo dhaweynayaan wafdiga, laakiin beeshu ay tahay beel balaadhan isla markaana ay u dhameystirneen adeegyada ay u baahanyihiin, laakiinse aysan saluugeynin waxa ay haatan u keeneen. Nabadoonada ayaa shacabka ku booriyey in ay intaasi in la mid ah ay ka qeyb qaataan hormarinta deegaanka.
Source SPR










































