Shirwaynihii Golaha Fulinta Maakhir Society oo London Lagu Qabtay+Sawiro
London(MMedia)
Shirwaynihii Golaha Fulinta ee Maakhir Society ayaa ka qabsoomay Magaalada Galbeedka London gaar ahaan Hotelka Ramada Ecore Malinimadii Sabtida Bishuna ahayd 21/01/2012 shirkaas oo lagu lafa gurayay Warbixintii Sanadlaha ahayd iyo sidii loo anba qaadi lahaa qorshayaashii u dejisnaa oo uu ugu horeeyay sidii loo taagi lahaa Machadka Farsamda Gacanta oo laga dhisi doona Magaalada Dhahar iyo dhismaha wadada Isku xidha Badhan iyo Ceeldaahir(Ex Ceeldoofaar) waxa kale oo shirweynuhu isku raacay ina la tayeeyo Dhamaan Iskuulada Deegaanada Maakhir
Ugu horayn waxa hadalkii Furay Qaabeeyaha Shirka isla markaana kusoo dhaweeyay si u akhriyo ayaadaha quraanka kariimka ah Maxamuud Cabdi C/dale oo ah Madaxa wacyigelinta iyo Xiriirka Yurub inta ka dib waxa hadalkii la wareegay Gudoomiyah shirgudoonka oo ahaa Xogahay ururka Khadar Maxamed Gaas waxaanu warbixin ka soo jeediyay Madashii shirku ka socday kuna saabsanayd Warbixintii Sanadlaha ahayd ee Ururku waxa kale oo uu sheegay in Xafladii Dhaqaalaha loogu Uruurinayay Jaamacada Maakhir ay usoo Baxday lacag dhan $10.000 Lana dhigay Account ku yaal Shirkada Xawaalada Amale express Lacagtaasna ay iska leedahay Jaamacadu
Waxaanu hadalkii ku wareejiyaya Gudoomiyaha Ururka Maakhir Society C/raxmaan dhoore oo isna soo jeediyay waxa uu ahaa aas aas Ururka iyo Himaladiisa waxaanu aad ugu dheeraaday himilada Ururka oo ah in laga dhabeeyo wixii loo aas aasay Urukan oo ah Horumarinta deegaanka ha ugu badnaato qaybta waxbarashaduye waxaanu ka xogwaramay sida uu noqonayo Machadka Farsamda Gacanta ee dhahar laga hireglindoono iyo qaabka Ururku u dejiyay in loo dhiso oo ama Dhaqaalihiisa lgu helayo oo kala ah Sadex Qaybood
- Jaaliyada debada
- Shirakadaha ka Howlgala soomaaliya
- Shacabwaynaha Magaalada Dhahar
Waxaana Gudoomiyhu Cadeeyay in lagu dhaqaaqi doona Fulinta dhismaha Machadka isla sanadkan Gudihiisa hadii alle ka dhigo waxaana xigi doona dhismaha wadada Laamiga ah ee u dhaxeeya Badhan iyo Ceeldoofaar waxaana hadalkiisu uu gudoomiyihu kusoo gabagabeyay inay gacan wax ku oola ka gaysan doonaan dhismaha Jaamacada Maakhir oo aanay intaa kaga hadhidoonin waxa kale oo uu ku daray in hadii gacmaha laysqabsado in sanad walba la fulin karo ilaa sadex mashruuc oo la muujiyo wadaniyad.
Waxa iyana hadalo aad u qiima badan soo jeediyay Xubnaha Golaha Fulinta Ururka Sida Xogahayaha Wacyigelinta Xiriirka Yurub oo ka waramay heerarkii ururkani soo marayay iyo sida ay wada shaqaynta uga dhaxayso ururada kale ee reer Maakhir waxa isaguna Hadal kooban ka soo jeediya xogahaya Xisaabaadka Maxamuud Maxamed siciid diiriye oo sheegay in la dar dargeliyo howlaha ka dhiman si loo higsado in la qabto baahiyo badan oo jira
Waxa hadalkii la wareegay Waftigii reer Liverpool ka socday waxaana hadalka bilaabay Mahad Cali Maxamuud (Mahad Caliyoow) wuxuu u mahadnaqay Ururka Maakhir Society iyo Kasoo qayg galayaashiiba waxaanu aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay horumarka deegaanku iyo sida loo tabayo Aqoonyahankii reer Maakhiroo maanta aan ka muuqan Saaxada Siyaasada iyo tan Horumarineedba waxaanu yiri waa mid dhawaaci karta jiilka soo korayao ee maanta aynu aqoontooda sidii loo kobcin lahaa aynu ka fekerayno oo aanu ka baqayno inay maraan halkii kuwii ka horeeyay oo maanta lala, yahay waxa kale oo waftiga ka mida ahaa hadalo qiima badana kasoo jeediyay Baashe Maxamuud Maxamed Shire isagoo hogatusaaleeyay qaabka ugu haboon ee wax loo fulin karo inay tahay in dalka dib loogu noqdo lana soo qiimeeyo hadba baahiyaha jira siday u kala horeeyaan muhiimadana la saaro tayaynta dugsiyada hoose iyo dhexe halkaasoo ardaygu ka wiiqmi karo ama maskaxdiisu ka kobci karto si hadhow mustaqbalak ay ugu fududaadto Jaamacada ama waxa kale ee uu doonayo inuu sii wato waftigan oo aad u badnaa waxa iyana weedho dhaxal gal ah ka soo jeedyay oday Maxamuud Ducaale(Dabxaani) oo duco iyo dardaaranba soo Jeediyay waxa isna ka hadlay Shirka Maxamed Xasan Bootaan iyo Aqoonyahan Saalax Cabdi Boobe oo dhamaantoo ahmiyada saaray ka qayb qaadashada Horumarka iyo isku xidhnaanto Faa,iidada ay lee dahay
Intaa ka dib waxa laguda galay doodii ajendayaasha Shirka waxaan looga dooday mid mid waxaana warbixin xaga warbarashada iyo heerarka ay hada marayso laga dhagaystay Axmed Awaare oo ka mid ahaa Wasaaradii Waxbarashada ee p/land isagoo iftiimyay meelaha ugu haboon ee wax laga qaban karo iyo in dhug loo yeesho Tayada Macalimiinta Dugsiyada sare oo u baahan in la xoojiyo
Ugu danbayntii dood dheer ka dib waxa dhamaankasoo qayb galayaashii shirku isku raaceen
- Dhismaha Machadka Farsamada dhahar
- Tayaynta Macalimiinta Dugsiyada Sare
- Tayaynta Dugisyada Hoose Dhexe
- Iyo in laga howlgalo sidii loo furi ama loo dhamaystirilahaa Dugsiyada aan weli la furin sida Dugsiga sare ee Ceelbuh Iyo Shinbiraale
- Wax ka bedelka iyo kaabista Sharciga Ururka
Gabagabadii shirka ayaa waxa la go,aamiyay in kulan kale laysugu yimaada Magaalada Liverpool oo ah Xarunta Jaaliyada reer Maakhir ee Uk kulankaas oo lagu sii dhamastiri doona qodoabda shirkan kazoo baxay
Maakhir Society Uk
Maakhir Media London
